Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Maghrib 17:58
Muqdisho 27°C
Breaking: Somali Pirates Briefly Seize Vessel in the Gulf of Aden
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada DFS & Al-Shabaab oo ka socda

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Sawir hore

Deegaanka Bulacle ee Gobolka Galgaduud waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada DFS & Al-Shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay dhaq-dhaqaaq ciidan kawaday deegaankaas Galmudug katirsan.

- Advertisement -

Goobjoogayaal la hadlay Axadle ayaa sheegay in ay maqlayaan jugta hubka culus, kuwa Gaadiidka Dagaalka & Qoryaha fud-fudud, inkasta oo aysan xaqiijin waxyeelo ka dhalatay dagaalka.

Tuulooyinka u dhaw Deegaanka Bulacle waxaa ka barakacay qoysaska degen si ay uga nabad galaan rasaasta ay isku adeegsanayaan dhinacyada dagaalamaya sida goobjoogayaal Axadle ay u sheegeen.

Ciidamada DFS ayaa howlgal & Dhaq-dhaqaaqyo ciidan kawada deegaanno katirsan Gobolka Galgaduud, mas’uuliyiinta Galmudug ayaa sheegay in uu bilawday howlgal ka dhan meelaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

DFS & Al-Shabaab ilaa haatan kama aysan hadlin dagaalkaan, waxaana jira Khasaare dhimasho & dhaawac oo kala gaaray dhinacyadaan, balse lama hayo tirada rasmi ah, maadaama dagaalka uu wali socdo.

La soco wixii warar kasoo kordha.

Axadle.

How do you rate this story?

0 votes