Dagaal khasaare culus lagu gaarsiiyey Al-Shabaab oo ka dhaca…

Beledweyne (Axadle) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee batamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada milatariga Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Buulo-Burte iyo Jalalaqsi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbacad ee gobolka Hiiraan, waxaana ka dhacay dagaalka foolka fool ah oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

- Advertisement -

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage oo ka warbixiyey dagaalkaasi oo saacado badan qaatay ayaa shaaca ka qaaday in khasaare xoog-leh lagu gaarsiiyey dagaalyahanada hubeysan ee Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Odowaa Yuusuf Raage ayaa xaqiijiyey in dagaalkan kooxda Al-Shabaab looga dilay ugu yaraan illaa 25 dagaalame, welina ay wadaan tirakoobka khasaaraha dagaalkaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi ee ay guullaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa inta u dhexeysa degmooyinka Buulo-Burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Si kastaba, ciidamada huwanta ayaa muddooyinkii u dambeeyey xoojiyey howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada dowlad goboleedka HirShabelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More