Muqdisho (Axadle) – Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyey shirarka Afisyoone uga socda madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, kuwaas oo illaa hadda aan wax natiijo ah laga gaarin.
Shirarkaas oo teendhada Afisyoone oo ku taalla gudaha xerada Xalane ka dhacay 3-dii iyo 4-tii bishan ayaa laga nastay Isniintii shalay, balse Talaadada maanta ayaa lagu wadaa in dib loo sii amba qaado oo madaxdu ay isugu tagaan goobta shirka.
Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo la hadlay BBC ayaa xaqiijiyey in Talaadada berri ay madaxdu u balansan yihiin shir ka dhacaya Afisyoone.
Kulamada hogaamiyaasha wali way socdaan mana burburin, waxaa loo qorsheeyay inay sii wadaan wada hadalada, si looga fogaado khilaaf, waxaa muhiim ah in laga fogaado dhamaan shuruud lagu xiro heshiiskii Sebtember 17, 2020 ee ay wada saxiixeen madaxdu. & Baarlamaankuna aqbalay “ Sidaas waxaa yidhi Agaasime Cabdirashiid.
Kulamada hordhaca ah ee socda ayaa fure u ah Shirka Talo bixinta doorashooyinka Qaranka si la isugu keeno madaxdan la wadaagay hanaanka doorashada.
Hoos ka Daawo
Halkee ayuu marayaa kulanka hordhaca u ah Shirka madasha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya? @BBCSomali pic.twitter.com/s4paheNtpH
— Abdirashid M. Hashi (@MrDuqa) April 5, 2021