Ciidamada Israel ayaa duqeymo culus ka wada dalka Lubnaan
Beirut (SDN) – Milatariga Israa’iil ayaa duqeeyay Lubnaan iyaga oo ka jawaabaya gantaallo ay ku soo rideen halkaas, sida lagu sheegay bayaan milatari.
Lix gantaal oo laga soo ganay dhanka Lubnaan ayaa ku wajahan waqooyiga Israel Isniintii laakiin ma aysan dhaafin Israel oo waxay ku dhaceen meel u dhow xadka, militariga Israel ayaa sheegay
- Advertisement -
Milatariga Israel ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay duqeeyeen Lubnaan ayna bartilmaameedsanayeen “meeshii laga soo riday”.
Ilo Amnio oo ku sugan Lubnaan ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ilaa 22 gantaal oo ay rideen militariga Yuhuuda ay ku dhaceen Lubnaan.
Ma jirto wax dhimasho ah oo la soo sheegay tan iyo markii ay duqeynta dhacday, mana muuqato in Israa’iil ay fureyso weji cusub, maadaama ay wali wado duqeynta Marinka Gaza.
Waxay ahayd marki labaad todobaad gudihiis oo Israel ay duqeymo dhanka cirka ah kasoo gaarto dhanka Lubnaan. Saddex gantaal oo laga soo ganay Lubnaan Khamiistii oo lala beegsaday Israa’iil ayaa ku dhacay badda Mediterranean.
Israa’iil ayaa dagaal kula gashay Xisbullah dalka Lubnaan sanadkii 2006 waxayna sameysay gantaallo casri ah. Majiro wax dagaal ah tan iyo waqtigaas.