Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka digay in Jubbaland dowladdu

Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ahna musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in Hogaamiye Farmaajo cadaadis culus ku haayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo tilmaamay in uu ka doonayo in Rooble ku dhawaaqo in deegaanka Jubbaland uu cadaw heysto.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayaa ka digey in loo aqoonsado Jubbaland meel uu cadow haysto, inkastoo uusan soo bandhigin cadaymo muujinaya in dowladdu arintaasi ka shaqaynayo.

“Waxaan Xog-sugan ku helaynaa in MW Farmaajo uu ku cadaadinayo RW Rooble in uu Jubbaland u aqoonsado deegan cadow heysto, doorashana lagu qaban karin ilaa iyo inta laga xorreeynayo” ayuu yiri Cabdiraxman Cabdishakuur.

“Haddii uu sidaas yeelo waa qar iska tuurnimo iyo daldalaad siyaasadeed, waxaana ugu baaqayaa RW Rooble in uusan taladaas yeelin” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur qoraalkiisa.

Arrinta Jubbaland ayaa ka mid ah khilaafka ka jira qabashada doorashada xildhibaanada federalka iyo kuwa Aqalka Sare iyadoo dhowaan uu Hogaamiyaha Jubbaland uu si kulul uga hadlay ciidamada ku sugan gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa dhankale sheegay in uusan diyaar u ahayn in uu soo magacaabo guddiga doorashooyinka heer faderaal iyo heer Dowlad-goboleed inta dowladda Soomaaliya ay ciidamo ka joogaan gobolka Gedo ee Koofur Soomaaliya.

Xukumadda Soomaaliya ayaa dhankeeda Dowlada Kenya ku eedaysay in ay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay ku cadaadinayo in uu kaboxo heshiiskii doorashada ee ay wada gaareen dowladda-Faderaalka Soomaaliya iyo Dowalad-goboleedyada dalka.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More