“Waa Qasab Inaan Lionel Messi Ka Garab Ciyaaro Xilli

Weeraryahanka Paris Saint-Germain Neymar ayaa afka furtay ka dib guushii uu ku hogaamiyay kooxdiisa ee kulankii Manchester United isagoo sheegay inuu qorsheynaya inuu ka garab ciyaaro xiddiga Barcelona xilli ciyaareedka danbe.

- Advertisement -

Neymar ayaa dhaliyay labo gool kulankii Old Trafford ee ay 3-1 ku badiyeen isagoo kooxdiisa qarka u saaray inay u soo gudbaan wareega 16ka Champions League.

Xiddiga reer Brazil ayaa ku biiray PSG isagoo 199.5 milyan ginni uga soo wareegay kooxda Barcelona sannadkii 2017 taasoo ka dhigeysa inuu yahay xiddigii abid ugu qaalisanaa dunida.

Si kastaba, labo jeer ayuu ku hanjabay inuu baxayo isagoo la rumeysan yahay inuu doonayo inuu ku laabto Camp Nou.

Laakiin in Messi uu dalbaday inuu baxo xagaagii la soo dhaafay ayaa adkeysay xaalada Neymar iyadoo ay haatan suurtogal tahay in xiddiga reer Argentina uu Neymar kula biiro kooxda Faransiiska bedelkii uu Neymar aadi lahaa Barcelona.

Inkastoo uu ku faraxsanaa in kooxdiisa ay ku badisay Tiyaatarka Riyada hadana Neymar ayaa cadeeyay inuu doonayo inuu mar kale ka garab dheelo xiddiga reer Argentina xilli ciyaareedka soo socda.

“Waxa ugu badan ee aan doonayo waa inaan Messi la ciyaaro mar kale, inaan garoonka kula riyaaqo isaga mar kale” ayuu Neymar u sheegay suxufiyiin reer Brazil ah ka dib ciyaartii Old Trafford.

“Wuxuu ka dheeli karaa booskeyga. Wax dhibaato ah kuma qabo inuu ka ciyaaro booskeyga, waan hubaa taas. Waxaan doonayaa inaan la ciyaaro isaga mar kale taas waan hubaa, xilli ciyaareedka soo socda waa qasab inaan sidaas sameyno.”

Madaama Barcelona ay ku jirto xaalad dhaqaale oo xun ma awoodaan Neymar sidaasi darteed waxaa hadalkiisa loo fasiran karaa inuu filanayo in Messi uu ku biiro PSG xagaaga soo socda.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More