Biden oo xayiraadda Safar ka qaadaya Dalalka uu Trump ka
Joe Biden, Hogaamiyaha 46-aad ee Mareykanka ayaa damacsan in marka uu xafiiska la wareego in uu soosaaro warqad uu xayiradda uga qaadayo 13-dal oo safarkooda Mareykanka uu joojiyay Donald Trump markii uu xafiiska uu qabtay Bishii Janaayo 2017-dii.
Waa mid kamid ah ballanqaadyadii uu codka uga helay dadka madowga ah ee Mareykanka ku sugan, kuwaas oo eheladooda ku xayiran waddamada Trump uu joojiyay in muwaadiniintooda dalkiisa ay galaan.
Xaalka waxa uu sii xumaaday, kadib markii ay taageertay Maxkamadda sare ee Mareykanka go’aankaas sanadkii 2018-kii, waxa uu si gaar ah u saameeyay waddamo badi Muslimiin & Afrikaan ah.
Bishii October Joe Biden waxa uu ballanqaaday in uu qaadayo xayiraadda saaran 13-ka dal ee laga joojiyay in muwaadiniintooda ay u safraan gudaha Mareykanka, waana tan keentay in shaqsiyaadka eheladooda ku xayiran dalalkaas ay codkooda siiyaan Biden.
Dalalka liiskaan xannibaadda safarka uu geliyay Donald Trump Madaxweynihii 45-aad ee Mareykanka waxaa kamid ah: Suuriya, Iiran, Liibiya, Soomaaliya, Suudaan, Nigeria, Myanmar, Venezuela, Kuuriyada Waqooyi & Yemen, waxaana uu markii dambe ka reebay dalka Ciraaq oo Askar Ameerikaan ah ay ku sugan yihiin.
Golaha ay ku mideysan yihiin Muslimiinta kunool Mareykanka ayaa ee loosoo gaabiyo CAIR ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in uu ka dhabeeyo go’aanka laga sugayo Joe Biden marka uu fadhiisto xafiiskiisa.
“Hogaamiyaha la doortay ee Biden waxa uu ballan qaaday in uu joojinayo xayiraadda Muslimiinta maalintiisii ugu horreysa ee xafiiska marka uu fadhiisto, waxa aan rajeyneenaa in lagu daro muslimiinta heer kasta oo maamulkiisa ah isla markaana wax laga qabto arrimaha la xiriira takoorka midan & diinta” Sidaasi waxaa yiri Nihaad Cawad oo ah agaasimaha fulinta qaran ee Golaha ay ku mideysan yihiin Muslimiinta Mareykanka.
Sabtidii, 7-da November 2020 waxaa soo baxday natiijada doorashada dalka Mareykanka, waxaana ku guuleystay Joe Biden, kadib markii codadkii laga rabay oo ahaa 270 uu ka helay 290-cod, inkasta oo uu muran ka keenay Donald Trump oo qoraal soo dhigay Bartiisa Twitter-ka.
Isha: Aljazeera.com / Axadle.