Baratanka Cabdi Xaashi & Xukuumadda Rooble! – Axadle

Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha sare & Maxamed Xuseen Rooble RW XFS

Raysul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 6-dii November 2020 magacaabay xubnaha Guddiga Doorashada Gobollada Waqooyi (Gobaladda Waqooyi) oo ka kooban 11-xubnood.

Rooble ayaa soo xigtay qodobo dastuur & heshiiska heer Federaal & Dowlad Goboleedyada ee dhacay kahor iyo kadib ansixinta nuuca doorashada dalka oo ah mid dadban balse la kordhiyay ka qaybgalayaa iyo jadwaleenta doorashada oo heshiiska laga garay dhacay 1-dii October 2020.

“Raysul Wasaaraha XFS markuu arkay qodobada 99-aad & 100-aad ee dastuurka KMG ah ee JFS, markuu arkay habraaca heshiska sida wadajirka ay u gaareen hogaamiyayaasha DFS & DG, markuu arkay habraaca 3-aad ee heshiiska Hogaamiyayaasha heer federaal & heer DG ee heshiiska siyaasadeed oo qeexaya in guddiga doorashada Gobollada Waqooyi ee Gobaladda Waqooyi waxaa soo magacaabaya Raysul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya si ay u qabtaan doorashada labada Gole ee BFS” ayaa lagu yiri magacaabista uu sameeyay Raysul Wasaare Rooble.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si cad u sheegay in uusan xaq u laheyn Rooble in uu magacaabo guddiga doorashada 20/21 qaybta Gobollada Waqooyi (Gobaladda Waqooyi), waxa uu diiday magacaabista uu sameeyay.

Cabdi Xaashi 19-ka November 2020 qoraal uu soosaaray ku shaaciyay shuruudaha lagu soo xulayo guddiyada doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Gobollada Waqooyi, Asteynta kuraasta xildhibaannada, habraaca xulista Ergooyinka dooranaya Golaha Shacabka & Aqalka Sare, dhismaha maamulka sare ee deegaan doorashada, korjogteynta doorashada iyo amniga Goobta doorashada iyo shuruudaha looga baahanyahay qofka is sharaxaya.

21-ka November 2020, waxa uu ku dhawaaqay 8-Xubnood oo ka shaqeynaya Doorashada Labada Gole ee Waqooyiga (Gobaladda Waqooyi), magacaabistooda waxa uu ku sheegay in ay ka dhalatay kadib markii latashiyo uu la sameeyay Siyaasiyiinta, mas’uuliyiinta Dowladda ku jirta, Odoyaasha dhaqanka & hoggaanka Beelaha.

Raysul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa 7-kii November 2020 Guddoomiye Cabdi Xaashi ku tilmaamay nin Mucaarad ku ah Dowladda Federaalka, kadib markii marar kala duwan uusoo saaray warqado uu ku durayo DFS.

“Cabdi Xaashi waa nin diiday in Dalka ay ka dhacdo doorasho qof & Cod ah, waa nin ku sifoobay in uu mucaarad ku noqdo Dowladda Federaalka, waxa uu gabay shaqada Aqalka sare oo aad ogtahay in uusan fadhiyo badan yeelan, dhowrkii sano ee ugu dambeysay qoraalada uu soosaaray waxa ay muujineysaa in uu yahay hoggaamiye mucaarad ah” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed Raysul Wasaare ku xigeenka Dalka.

Haddaba, Baratanka Cabdi Xaashi & Xukuumadda Rooble halkee buu ku biyo shuban doonaa?

“Cabdi Xaashi waa Nin Mucaarad ku ah Dowladda Federaalka” Mahdi Guuleed.

Cabdi Xaashi oo soo saaray habraaca doorashada Xildhibannada labada gole ee Gobolada Waqooyi!

Cabdi Xaashi oo magacaabay Guddiga doorashada Gobolllada Waqooyi 20/21.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More