AMISOM: Wada-hadalka lagu hirgelinayo Doorashooyinka wuu sii
AMISOM: Wada-hadalka lagu hirgelinayo Doorashooyinka wuu sii soconayaa .Qoraal lagu daabacay bogga Twitter-ka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wakiilka ururkaas ahna Madaxa howlgelinta AMISOM uu todobaad & bar ku howlanaa qaabiladda Saamileyda Siyaasadda Dalka.
Ambassador Francisco Madeira ayaa qaabilay Madax Goboleedyada kala ah: Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe & Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.
Keliya waxa uusan qaabilin Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen sida ku cad qoraalka lagu daabacay Barta Twitter-ka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).
Muhiimadda kulanka Danjire Madeira & Madax-Goboleedyada ayaa lagu sheegay in uu ahaa sidii looga doodi lahaa ka gudubka caqabadaha hortaagan qabsoomidda Doorashooyinka heshiiskeedu dhacay 17-kii September 2020.
“Waxa aan kawada hadalnay Madax-Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug & Hir-Shabeelle arrimaha Doorashooyinka gaar ahaan heshiiska 17-ka September 2020, wada-xaajoodka waa mid sii socon-doono ilaa laga saldhigo Doorashada, dhinacyada saamileyda waa in ay u istaagaan hirgelinta doorashooyin waqtigooda ku dhaca” Sidaasi waxaa lagu yiri qoraalka AMISOM.
Howlgalka Midowga Afrika waxa uu kaalin ku leeyahay ka qaybgalka Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya oo si gaar ah looga sugayo sugidda Amniga meelaha lagu qabanayo, dhinacyada ka qaybgalaya & ilaalinta xarumaha muhiimka ah.