6 sano ka dib maxaa keenay soo jeedinta Sucuudiga
Kooxda fallaagada ah ee Xuuthiyiinta Yemen, oo la dagaallameysay isbahaysiga milateriga ee Sucuudigu hoggaamiyo tan iyo bishii Maarso 2015, ayaa diiday hindisaha xabbad joojinta ee ay ku dhawaaqday Riyadh, iyagoo dalbanaya in gebi ahaanba xayiraadda laga qaado garoonka diyaaradaha Sanca iyo dekedda Hodeidah.
Kooxda Iiraan la safan ayaa gacanta ku haysa qayb weyn oo ka mid ah woqooyiga Yemen, oo ay ku jiraan caasimadda Sanca iyo dekedda Hodeidah – oo la rumaysanyahay in ay nolol u tahay malaayiin reer Yemen ah oo ay saameeyeen dagaalka lixda sano jirsaday.
Kooxaha xuquuqda Aadanaha ayaa dhaleeceeyay go’doominta ciidamada badda iyo cirka ee Sacuudi Carabiya ee Yemen iyagoo sheegay in ay uga sii dartay xaalada bini’aadanimo ee Yemen halkaas oo boqolkiiba 80 dadka ku nool lagu quudiyo gargaarka shisheeye.
Hindisahan oo uu ku dhawaaqay Wasiirka Arimaha Dibada ee Sacuudiga Faysal bin Farhan Al Saud, ayaa waxaa kamid ah in dib loo bilaabo wadaxaajoodkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay dowlada Sacuudigu taageero ee uu madaxweynaha ka yahay Abd-Rabbu Mansour Hadi iyo Xuutiyiinta isla markaana ay garwadeen ka noqoto Qaramada Midoobay.
Talaabadaan ayaa sidoo kale suurtagalinaysa in shidaalka iyo cuntada laga soo dhoofiyo dekedda galbeed ee Hodeidah – dekedda ugu weyn ee laga soo galo Yemen, iyo in dib loo furo garoonka weyn ee Xuutiyiinta ay maamusho Sanca.
Hindisahan ayaa yimid ka dib baaqii Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee 18 bishaan ee ahaa in dhammaan dhinacyadu ay la shaqeeyaan ergayga Qaramada Midoobay ee Yemen, si shuruud la’aan, si loo helo xabad joojin iyo heshiis siyaasadeed oo laga gaaro Yemen.
Dagaaladii ugu dambeeyay
Tan iyo markii xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka ay hoggaaminayaan ee militariga ay faragalin ku sameeyeen Yemen bishii Maarso 2015, tobanaan kun oo qof ayaa la dilay inbadan oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka ayaa la baabi’iyay.
Faragalinta militariga ayaa timid kadib markii Xuutiyiinta ay xukunka ka tuureen dowladii uu caalamku aqoonsanaa ee Hadi dhamaadkii sanadkii 2014 waxayna qabsadeen dhul baaxad leh ama inta badan dhulka wadanka.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, dagaalku wuxuu ku sii fiday gobolka waqooyi-bari ee Marib iyadoo Xuuthiyiinta ay billaabeen olole ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan gobolkii ugu dambeeyay ee ay ka taliyaan kuwa daacada u ah Hadi. Waxay sidoo kale bilaabeen in ay maalin kasta weeraraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada boqortooyada, warshadaha ayna burburiyaan qalab ku kacaya Balaabiyiin doollar.
Isbaheysiga Sacuudiga ayaa iyaguna dhankooda ka jawaabayay duqeymo xagga cirka ah.
Talaadadii, sideed waddan oo Carab ah ayaa bogaadiyay soo jeedinta Sucuudiga laakiin falanqeeyayaashu wali rajo badan ma qabaan.
Xuutiyiinta, dhanka kale, waxay weerar diyaaradeed ku qaadeen garoon diyaaradeed oo ku yaal koonfurta Sacuudi Carabiya, afhayeenka milatariga kooxda ayaa sidaasi sheegay Talaadadii.
Halkan waxaa ku koobnay aragtida Sucuudiga ee xilligan, iyo sidoo kale heshiisyadii hore ee dhexmaray Xuutiyiinta iyo xoogagga dowladda taageersan ee Sucuudigu taageero:
Jawaabaha Hindisaha Sucuudiga
Afhayeenka Xuuthiyiinta Mohammed Abdulsalam ayaa sheegay in kooxdu “ay diyaar u tahay in ay gasho wadahadal siyaasadeed hadii Sacuudi Carabiya ay joojiso dagaalka isla markaana ay go’doominta ka qaaddo”.
“Sacuudi Carabiya waa in ay ku dhawaaqdaa joojinta dagaalka gardarada ah oo ay gebi ahaanba xayiraadda ka qaaddaa, laakiin soo gudbinta fikradaha ah in lawada hado muddo sannad ka badan ayay socotay maahan wax cusub,” ayuu yiri sida uu sheegay TV-ga taageersan Houthi Al Masirah.
Abdulsalam ayaa hoosta ka xariiqay shuruudaha hindisaha “wax cusub ma ahan” horeyna waxaa looga wada hadlay kulamo aan la yeeshay ergeyga Qaramada Midoobay ee Yemen, Martin Griffiths.
“Soo jeedinta Sacuudiga waxa ay umuuqataa in ay laba jibaareyso fikirka ah in Xuutiyiinta ay tahay in ay halkaan ku tanaasulaan” ayuu yiri Peter Salisbury oo ah falanqeeye ka tirsan International Crisis Group. “Taasi si fiican ugama dhignaan doonto gorgortamayaasha Sanca”.
“Jawaabta Xuutiyiinta way cadahay: waxa ay dhahaan tani waa dalab duug ah, waxayna cadeeyeen in ay kujiraan mowqifkooda – gebi ahaanba xayiraadaha hortaagan dhaqdhaqaaqa dekada Hodeidah iyo garoonka diyaaradaha Sanca.
Casey Coombs, oo ah baare ka tirsan Xarunta Sanca ee Daraasaadka Istiraatiijiga ah, ayaa sheegtay in Sacuudi Carabiya “ay isu diyaarineyso qaab nabad-doon ah”.
“Markii si buuxda loo fiiriyo Xuutiyiinta waxay sii wadi doonaan dagaalka ay ugu jiraan Maraakiibta iyo gantaalada ay ku ridayaan [boqortooyada], Sacuudi Carabiya wuxuu qamaarayaa in talaabadani ay u muujin doonto Xuutiyiinta gardaradooda”
Safiirka Sacuudiga u fadhiya Yemen, Muhammad bin Saeed al-Jaber, ayaa sheegay in qorshahan uu yahay dhameystirka dadaallada Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) iyo beesha caalamka ee ku aaddan xal siyaasadeed.
Wuxuu carabka ku adkeeyay in ay ka horeysay xiriiro ay la sameeyeen xisbiyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, iyo in ay la jaanqaadaan soo jeedimaha UN-ka iyo wakiilada Mareykanka ee Yemen.
Wasiirka arrimaha dibedda ee Yemen Axmed Cawad bin Mubaarak ayaa sheegay inuu jiray dadaal diblomaasiyadeed oo la taaban karo ka hor intaan la bilaabin qorshahan, oo ay dawladda Yemen “qayb muhiim ah ka ahayd”.
Bin Mubaarak ayaa sidoo kale sheegay in jawaabta Xuutiyiinta ay ka bixiyeen hindisahan ay ahayd mid hoos u dhac iyo tabanba leh, wuxuuna intaa ku daray in ay ku qasban yihiin in ay si wanaagsan ula falgalaan hindisaha lagu joojinayo dagaalka Yemen.
Iskudayada waaweyn ee xabad joojinta Yemen loo soo maray!
2015 wadahadaladii Geneva
Wareegyadii 1aad iyo 2aad ee wadahadaladii Geneva, ee kala dhacay bilihii Juun iyo Desembar siday u kala horreeyaan oo uu teegeeraayay UN-ku, wax natiijo ah kama soo bixin. Wadahadalada ayaa burburay wareegii labaad kadib markii ay burburtay xabad joojinta labada dhinac.
April 2016
Xabad-joojin liidata ayaa ka horreysay wadahadalladii ka socday dalka Kuweyt, kaasoo bilaabmay 21-kii Abriil 2016.
Wadahadaladu waxa ay salka ku hayeen qaraarkii golaha amaanka ee qaramada midoobay ee tirsigiisu ahaa 2216 kaas oo dhigayay in xuutiyiintu ay ka laabtaan dhulalka ay qabsadeen hubkana ka dhigaan kahor intaan wada hadaladu horumar gaarin. Si kastaba ha noqotee, Ogosto 6, wadahadalku wuxuu ku dhammaaday ismari waaga.
Qodobka ugu weyn ee lagu kala tagay ayaa ahaa in Xuutiyiinta ay doonayeen in ay ka wada hadlaan heshiis siyaasadeed ka hor inta aysan hubka dhiibin halka wafdiga dowladda ay ku adkeysanayeen in fulinta qaraarka Qaramada Midoobay uu yahay muhiimadda 1aad.
December 2018
Bishii Deseembar 2018, dhinacyada dagaallamayay waxa ay Iswiidhan ku kala saxiixdeen heshiiskii Stockholm, kaasoo ay ku jireen saddex arrimood oo waaweyn.
Heshiiska ayaa waxaa ka mid ahaa xabad joojin laga sameeyay jiida hore ee Xudeyda iyo dib udajinta xoogaga hubeysan ee magaalada iyo dekedaha Hodeidah, Salif, iyo Ras Issa. Marnaba si buuxda looma fulinin heshiiska laakiin inkasta oo mararka qaarkood ay dhaceen dagaallo, heshiiska wuxuu yareeyay xaaladda ilaa xad.
Hodeidah, oo ah marinka ugu weyn ee laga soo dejiyo ee soo dejiyo ganacsiga iyo gargaarka Yemen, ayaa sidoo kale si weyn u shaqeysay, iyada oo ay ugu wacan tahay heshiiska Stockholm. Sidoo kale, heshiiska ay garwadeenka ka tahay Qaramada Midoobay wuxuu ku baaqayay isdhaafsi maxaabiis oo u dhexeeya xoogagga dowladda taageersan iyo Xuutiyiinta.
Qaybta saddexaad ee heshiiska ayaa ahayd bayaan ku saabsan xaaladda magaalada Yaman ee Taiz. Waxaa ka mid ahaa sameynta guddi isku dhaf ah oo ka kala socda labada dhinac ee dirirtu dhex martay iyo bulshada rayidka ah ee Yemen si loo go’aamiyo habab shaqo oo lagu maamulo magaalada istiraatiijiga ah.
Si kastaba ha noqotee, taasi runti ma aysan keenin wax ficil dhab ah oo dhulka ka dhaca. Khasaaraha kale ee weyn ee ka dhashay heshiiskii Stockholm wuxuu ahaa in ay ku guuldareysatay in ay heshiis ka gaarto laba arrimood oo kale oo muhiim ah: dib u furista garoonka diyaaradaha ee Sanca iyo mideynta Bankiga Dhexe ee Yemen, oo la kala jaray bishii Sebtember 2016.
April 2020
Sacuudi Carabiya waxay ku dhawaaqday 14 maalmood oo xabad joojin ah 9-kii Abriil, taas oo madaxa UN Antonio Guterres uu soo dhoweeyay si loo hormariyo nabadda loona yareeyo faafitaanka COVID-19.
Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey Griffiths ayaa xusey in xabad joojinta oo laba usbuuc socotey ay xayirtay “dhamaan howlaha dhulka, badda iyo cirka ee Yemen”.
Laakiin xabad joojintu wali wey adag tahay inkasta oo ay sii xumaaneyso xaaladda cudurka faafa ee coronavirus.
Talaadadii, guddiga coronavirus-ka ee Yemen ayaa ku booriyay dowladda in ay ku dhawaaqdo caafimaadka bulshada “xaalad deg-deg ah” ka dib markii ay bateen cudurrada ka jira waddanka ay dagaalladu halakeeyeen. Sannado dagaalo ah ayaa nidaamka caafimaadka ee daciifka ah ee dalka ka dhigay mid burbursan.
Dowladda Yemen Waxa y si rasmi ah u diiwaangalisay 3,500 oo kiis COVID-19, halka 771 qof ay dhinteen. Laakiin khubarada ayaa sheegaya in tirooyinka ay aad uga badan karaan maadaama aysan dalka ka jirin hay’ad dowladeed oo si dhab u diiwaangalisa kiisaska.