Gabar Moodal Ah Oo Kashiftay In Lacag Lagu Siiyay
Gabara moodal ah oo u dhalatay dalka Serbia laguna magacaabo Natlija Scekic ayaa kashiftay in qof aysan magacaabin uu lacag ku siiyay inau burburiso qoyska iyo sumcada xiddiga tenniska Novak Djokovic.
Qorshaha wuxuu ahaa inay isku daydo inay ku ciyaarto sumcada xiddiga ugu fiican ciyaarta Tennis-ka ee ku jira kaalinta koowaad islamarkaana ay burburiso guurkiisa.
Scekic ayaa u sheegtay majalada Svet&Scandal in nin aysan magacaabin uu u soo bandhigay 60 kun euro si ay u la saaxiibto Djokovic islamarkaana ay muuqaal uga duubto.
Qorshaha waxaa lagu dejiyay dalka Ingariiska sida ay sheegtay gabadhaan, London ayayna aheyd halkii ay ku kulmeen gabadhaan iyo qofka doonayay inuu ku ciyaaro nolasha Djokovic.
“Waa run inuu nin ila soo xiriiray. Waxaan isku aragnay magaalada London, wuxuuna ahaa nin weyn oo maqaam sarre leh” ayay tiri Natalija Scekic.
“Wuxuu ahaa nin aan garanayo shaqadiisa kuna fiican. Markii uu i weydiistay inaan isla cunteyno, waxaan u qaatay inaan ka wada hadleyno ganacsiga, laakiin intii ay sheekadeena socotay waxba igama weydiinin nolosheyda.
“Waxaan moodayay inaan qeyb ka ahay barnaamij kaamirada qarsoon markii uu ii sheegay inaan xiriir la sameeyo Novak oo aan muuqaal ka duubo.
“Wuxuu ii siiyay 60 kun euro iyo inaan u safri karo meeshii aan doono. Waan qoslay anigoo filanaya inuu igu yiraahdo kaftan ayay i aheyd, laakiin dhab ayay ka aheyd. Waan xanaaqay waxaana dareemay ceeb iyo sharafteyda meel looga dhacay.
“Waxaan rajeynayaa inuusan helin gabar ka aqbasha dalabkiisa sababtoo ah cadaalad kuma ahan Novak, waa ambasadoorkeena waana nin qoys”