15 Mudane oo diiday Go’aanka Af-hayeenka golaha

Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa diiday go’aankii afhayeenka Golaha Shacabka oo mudo xileedkiisu dhamaaday 27-dii December -2020 uu shanta kulan ee soo aadan uga mamnuucay 15 mudane oo katirsan golaha

- Advertisement -

Axmed Macalin Fiqi wasiirka amaanka Galmudug oo ah mudane ka tirsan golaha shacabka  ayaa go’aanka fadhiyada golaha loogu mamnuucay 15 mudane ugu yeeray “Toogasho u la kac ah oo loo geystay hey’addii Xeerdejinta”.

Axmed Fiqi ayaa yiri: “Tani waa toogasho u la kac ah oo loo geystay hey’addii ugu danbaysay Barlamaanka ee golaha shacabka, waa damin Iftiinkii dimuqraadiyadda, waa afduubka masiirkii dalka iyo god dheer ku rididda rajadii dawladnimadii dhismaysay Labaatankii sano ee u danbaysay”

Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah mudane-yaasha guddoomiayah golaha shacabku sheegay in uu ka joojiyey kulamada ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Faceboook wuxuu ku cambaareeyay talaabadda  Maxamed Mursal isaga oo ku sifeeyay “garasho la’aan sharciyadeed iyo garaad yari siyaasadeed”.

“Maxamed Mursal wuxuu kulansaday garasho la’aan sharciyadeed iyo garaad yari siyaasadeed. Fidnada uu katalinayana cawaaqib xumada ka dhalata isaga ayaa si shakhsi ah u qaadaya mas’uuliyadeeda!” ayuu yiri: Mahad Salaad.

Senater Ilyaas Cali Xasan oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya ayaa go’aanka Gudoomiyaha golaha shacabka ku tilmaamay “kutumashada Sharciga iyo doonista mudo kororsi” uu doonayo madaxweynaha uu mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Senator Ilyaas ayaa ku qoray Bartiisa Facebook: “Kajoojinta 15kaan Xildhibaan kulanka Golaha Shacabka ee Maalinta Isniinta waxay kamid tahay kutumashada Sharciga iyo doonista mudo kororsi uu Farmaajo uwaashey!”

Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ku jiray liiska magacyada afhayeenka golaha shacabku sheegay in uu ka joojiyey fadhiyada ayaa isna yiri:

“Horta wax nagala mamnuucay ma jiraan. Dabcan waan aragnay warqadda kasoo baxdey guddoomiyihii hore [ee Golaha Shacabka] ayna kawada shaqeeyeen isaga iyo ku xigeenka labaad Mahad Cabdala Cawad. Laakiin, ma ahan warqad rasmi ah ” ayuu yiri “Waa awood sheegasho in 

Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa oo kamid ah mudanayaasha ganaaxa shanta kulan ah la dul-dhigay oo la hadlay VOA ayaa nasiib darro ku tilmaamay in awoodda Dastuurka uu siiyay qiil looga dhigo kulan joojin 5-Cishe ah.

“Waa nasiib darro, waxa aan dhihi karaa awooddii si kale loo isticmaalayo, awoodaha xildhibaanka uu heysto waa xanaasadda waana qodobka 70-aad oo si cad u sheegaya in aysan dhibaato uga imaan karin fikir cabiristooda & codkooda si xor ah” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Sadiiq Warfaa.

Sabtidii waxaa muran iyo buuq ku soo dhamaaday fadhigii golaha shacabka,  xildhibaada qaarkood ayaa ku eedeeyey  Guddoonka Golaha Shacabka iyo kuxogeenkiisa labaad in  ay ka shaqeynayaan fashilinta fadhiga iyo in  ay mudo kordhin u sameeyaan Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More