Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Real Madrid vs Borussia
Real Madrid ayaa garoonkeeda Alfredo di Stefano waxay ku qaabilaysaa kooxda reer Germany ee Borussia Monchengladbach, waxaanay u baahan tahay guul si ay ugu gudbi karto wareegga xiga ee 16-ka, iyadoo haddii laga badiyana si rasmi ah uga hadhi doona tartanka.
- Advertisement -
Zinedine Zidane oo culays badan saaran yahay ayaa ogsoon in shaqadiisu halis geli karto haddii ciyaartan laga badiyo, waxaana uu kusoo bilaabay shax adag oo uu rumaysan yahay inay ku gaadhi karaan guul.
Sergio Ramos iyo Dani Carvajal ayaa dib ugu soo laabtay kooxda kaddib dhaawacyo ay ku maqnaayeen oo sababay in awooddoodu diciifto, sidoo kalena Karim Benzema ayaa hoggaaminaya safka hore ee weerarka, halka khadka dhexena ay taagan yihiin qudumadii waaweynaa.
Los Blancos ayaa inta ay ciyaartani socoto waxay gebi ahaanba iloobaysaa inay sugayso ciyaar kale oo adag oo iyaduna culayskeeda leh oo Sabtida ay Atletico Madrid la ciyaari doonaan, waxaana awooddooda oo dhan ay iskugu geynayaan kulankan.
Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood
Real Madrid XI: Thibaut Courtois; Lucas Vazquez, Raphael Varane, Sergio Ramos, Ferland Mendy; Luka Modric, Casemiro, Toni Kroos; Rodrygo Goes, Karim Benzema, Vinicius Junior.
Gladbach XI: Yann Sommer; Stefan Lainer, Matthias Ginter, Nico Elvedi, Oscar Wendt; Christoph Kramer, Florian Neuhaus; Breel Embolo, Lars Stindl, Marcus Thuram; Alassane Plea.