Shaxda Chelsea – Atletico Madrid –

Chelsea ayaa Stamford Bridge ku soo dhawayn doonta kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsan wareega 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.

- Advertisement -

Blues ayaa lugtii hore ku soo badisay gurigeeda, 1-0, inkasta oo ay dhex dhexaad ka ahayd garoonka dhexdiisa, laakiin waxay nasiib u yeelatay inay caawa martigeliso Atletico Madrid.

Thomas Tuchel ayaa kaydka dhigay weeraryahanka reer France ee Olivier Giroud kaas oo dhaliyay goolkii cajiibka ahaa ee ay kooxdiisu dhalisay qaybtii hore isaga oo doorbiday xiddiga reer Germany ee Timo Werner iyo Kai Havertz oo afka hore ka ciyaara kaas oo caawiye ka noqon doono Hakim Ziyech.

Khadka dhexe, N’Golo Kante ayaa ku soo bilaabanaya Mateo Kovacic iyo Marco Alonso, halka daafaca dambe ay yihiin Reece James, Rudiger, Christensen iyo Cesar Azpilicuette, halka James uu khadka dhexe ka ciyaarayo.

Keydka Chelsea waxaa kamid ah Olivier Giroud, Christian Pulisic, Hudson-Odoi, Gilmour, Ben Chilwell iyo kuwa kale.

Jaantusyada rasmiga ah ee labada koox

XI: Chelsea: Mendy; Azpilicueta, Zouma, Rudiger; James, Kante, Kovacic, Alonso; Ziyech, Havertz, Werner

Kaydka: Kepa, Caballero, Chilwell, Emerson, Anjorin, Gilmour, Hudson-Odoi, Pulisic, Giroud,

Xulka Atletico Madrid XI: Oblak, Renan Lodi, Trippier, Gimenez, Savic, Saul, Koke, Llorente, Carrasco, Felix, Suarez.

Kaydka: Grbic, Roman, Felipe, Hermoso, Vrsaljko, Kondogbia, Torreira, Lemar, Herrera, Vitolo, Correa, Dembele.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More