Waddooyinka qaar ee Muqdisho oo dhagaxaanta laga qaaday! –

DFS ayaa muddo kadib dhagaxaanta ka qaaday qaar kamid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana cabasho ka keenay Shacabka isticmaalka jidadka dhagaxaanta Dowladdu ku xirtay.

Meelaha dhagaxaanta laga qaaday waxaa kamid ah: Qaybo kamid ah Degmada Wadajir gaar ahaan Danwadaagta & xaafado kale oo bilooyin kahor la dhigay lagu jaray isu socodka Gaadiidka.

Sidoo kale Isgoysada laga qaaday dhagaxaanta waxaa kamid ah: Digfeer, Isgoysyada Tarabuunka & Sheekh Cali Suufi, inkasta oo biro iyo dhagaxaan wali yaalaan oo aan Gaadiidka loo ogeyn in ay ka gudbaan.

Dadka ayaa saakay ku waaberiistay Dhagaxaanta oo laga qaaday Isgoysyadaan iyo qaar kamid ah waddooyinka Degmada Wadajir, durba waxa ay bilaabeen in ay isweydiiyaan sababta loo qaaday iyo waxa uu noqon doono qorshaha xiga.

Wali waxaa xiran jid caddayaasha Xaafadaha oo qaab saf dheer ah loo dhigay dhagaxaanta, halka meelaha qaar la carro tuuray si aysan gaadiidka uga gudbin sabab Dowladdu ku sifeeyay sugidda amniga Caasimadda.

Gawaarida Dadweynaha ee isaga kala gudbi jirtay Wadnaha iyo Maka Al-Mukarama ayaan muddo isticmaalin, dadka ayaa raaca Gaadiidka ka dhex shaqeeya waddooyinka xiran ee loo yaqaan (Kala wareegga).

Gaadiidka Gaarka ah waxaa la weydiiyaa aqoonsiyo, meelaha qaar safafka dhaadheer ee Gawaarida sugeysa in ay gudubta ayaa sababta in jidadka xirmaan muddo saacado ama daqiiqado ah qofka ku qaadato in uu ku gaaro meesha uu socday.

DFS miyay dhagaxaanta kawada qaadi doontaa jidadka Xaafadaha iyo isgoysyada waaweyn ee Muqdisho?

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More