Waa Kuma Guddoomiyaha Aqalka Sare ee soo-socda ee Nabad &

Sida lagu hadal hayo qololka siyaasadda iyo ololayaasha xukuumadda Nabad & Nolol si aan qarsoonayn haddii ay suuragasho Mahdi Maxamed Guuleed ra’isalwasaare kuxigeenka xukuumaddu  waxa uu noqon doonaa guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka! Haddaba waa kuma Mahdi Maxamed Guuleed?

- Advertisement -

Mahdi Guuleed  waxa uu ku dhashay gobolka Soomaali-galbeed ama Kililka 5aad, Waxa uu waxbarashadiisii Hoose/dhexe ku soo qaatay  Adis ababa, 1996-1999; Waxa uu galay kulliyada sharciga ee ‘Ethiopian Civil service collage”

Mid kamid ah xilliyadii ugu xumaa ee ay tacadiyada kadhanka ah xuquuqda aadanuhu ay kadhacayeen Dowlad-deegaanka Soomaalida Mahdi Guuleed waxa uu ahaa Ku-simaha xafiiska Caddaalada ee dowlad-deegaanka Soomaalida, Sida ay Sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee human Rigths Watch xi waxa ay la kulantay maxaabiis 5-10 sano kujiray xabsiga aadka u sumcadda xun ee Jeel Ogaadeen iyada oo aan maxaabiistaas lageyn Maxkamad islamarkaana aan lagu oogin wax dacwo ah.

November 1999-March-2001 Mahdi Guuleed iskumar ayuu noqday Madaxa dacwadaha ciqaabta iyo Madaniga gobolka Somalida.

Dhinaca Sharciga in hal qof ama hal garyaqaan wada maamulo Dacwadaha Madaniga iyo kuwa ciqaabta ah waa wax reebban iyo tallaabo gef ah oo sababta in garsoorka iyo mabda’a sarreynta sharcigu halis galaan islamarkaana ay dhacaan tacadiyo waaweyn oo lagu fuliyo magaca Sharciga, sida ay sheegtay Human Rights Watch intii uu Mahdi Guuleed hayey xilka Madaxa dacwadaha ciqaabta iyo Madaniga gobolka Somalida ciidanka aan xeerka u hoggaansamin kuna dhaqmin (Lawless force) ee Liyu police waxa uu tacadiyo isugu jira dil iyo jirdil kageystay Gashaamo, Dhagaxbuur iyo Jigjiga hayeeshee marna xafiiska Dacwadaha Madaniga iyo kuwa ciqaabta oo uu madaxa ka ahaa Mahdi Guuleed marna ma qaadin tallaabo la xiriirta sababeynta waxa dhacay, xafiiska Mahdi xilligaas waxa uu gobolka Dowlad-deegaanka Soomalaida kahirgeliyey xeerka la dagaallanka waxa loo yaqaan argagixisada, kaas oo horseeday in dhiig badan ku daato gobolka.

November 1998 — 1999: Xeer ilaaliyaha kiisaska ciqaabta Somalida EthiopiaJanuary 1999 — March 2001: La-taliye sharciga ee Gudida diyaarinta xeerarka ee Dowlad-deegaanka Soomaalida.

2002 – 2005-tii Wuxuu noqday La-taliyaha sharciga Guddiga Doorashooyinka Somaliland2008 -Xisbiga UCID ayaa u magaabay xubin ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Gobaladda Waqooyi! March 2017 ayuu qabtay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xog-hayaha Galka Itoobiya ee MW Farmaajo

Magacaabista xilka Ra’isalwasaare kuxigeenka ee Mahdi Maxamed Guuleed oo timid March-2017 waxa ay ahayd tallaabo billow u ah xiriir si qarsoodi ah u billowday una dhismayey laga billaabo 2017 kaas oo u dhexeeyey madaxweyne Farmaajo& Hailemariam Desalegn Bosheoo ahaa Ra’isalwasaaraha Itoobiya intii u dhexeysay 2012- 2018, RW Desalegn Boshe iyo Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya waxa ay aad uga welwelsanaayeen isbeddelka dhacay iyo sida uu u sameeyn doono danaha Itoobiyaanka oo aan xilligaas kahor madax ay ku tiirsan yihiin ugu dhexjirin xafiiska go’aanada siyaasadda laga gaaro ee Soomaaliya, sidaas awgeed waxa ay raadinayeen qof muuqaal iyo magac ahaanba Soomaali ah hayeeshee Maskaxda ka ah Itoobiyaan lagu aamini karo jiheynta, horumarinta iyo xaqiijinta danaha Itoobiya ka leedahay Soomaaliya, kaas oo dhammaan shaqada ay u baahan tahay Itoobiya fulinaya isaga oo leh magaca iyo xilka Ra’islawasaare kuxigeenka dalka islamarkaana awood fulineed ku dhex leh xafiisyada siyaasadda, Diblomaasiyadda iyo Maamulka ee dowladda.

April-2018 markii uu xilka yimid Abiy Axmed Cali islamarkaana uu hindisay Barnaamijka isdhexgalka dadka iyo dowladaha geeska Afrika oo ay falanqeeyeyaashu u yaqaanaan in uu yahay habka cusub ee siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya kulafalgeleyso dowladaha geeska afrika si ay u illaashato kaalinteeda IGAD una sii ahaato saaxiib reer galbeedku ku aamino una maro masaalixda ay ka rabaan geeska Afrika! Mahdi Guuleed maadaama uu meel sare uga jiray siyaasadda Soomaaliya islamarkaana ahaa wakiil ay ku xisaabtano Itoobiya waxa uu noqday qofka ugu muhiimsan xukuumadda Nabad & Nolol ee noqon kara xog-hayaha galka Itoobiya ee MW Farmaajo, Abiy waxa uu diyaariyey qorshihiisa isdhexgalka si Itoobiya noqoto horseedka 7da dowladood ee geeska Afrika sida Djibouti, Eritrea,  Kenya, Somalia, Sudan, South Sudan & Uganda.

Arrintu waxa ay ka billaabatay heshiis saddex-geesood ah oo madaxweyneyaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Ra’isalwasaaraha Itoobiya ku saxiixdeen Itoobiya kaddib kulan ay saddexdoodu ku yeesheen magaalada Baxardaar ee gobolka Amxaarada Itoobiya August-2018, heshiiskaas kaddib Mahdi Guuleed waxa uu la wareegey galka Itoobiya ee madaxtooyada Soomaaliya isaga oo dhowr u safray gobolo kaladuwan oo katirsan Itoobiya kanaqaybgalay madasha Tana oo lagu lafaguro arrimaha Nabadgelyada, Ammaanka & Sirdoonka, Tana Forum waxa ay dhaqaale ka heshaa 29 deeq-bixiye oo isugu jira dowlado iyo ururo caalami ah.

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar waxa uu xiriir iyo saaxiibtinimo muddo jirtay la leeyahay Gedu Andargachew oo intii u dhexeysay 2013-2019 ahaa madaxweynaha gobolka Amxaarada, April-2019-Nov-2020 ahaa Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya, Gedu Andargachew hadda waa la taliyaha Amniga Qaranka ee RW Abiy Axmed.

Sida ay qabaan ilo xilkas ah oo katirsan Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu awood badan geliyey in murankii kadhashay xiisadda dagaalka hirgelinta Sharciga ee ciidanka Itoobiya ku qaaday gobolka Tigray uu kudhammaado sidii ay rabtay Itoobiya, taasna waxa muujiyey xilka-qaadistii degdegga ahayd ee xafiiska Ra’isalwasaare ku sameeyey danjire Axmed Ciise Cawad

Dallaalka Kiiska Badda!

Maxkamada Cadaaladda adduunka –ICJ- oo uu horyaallo Kiiska dacwadda Badda Soomaaliya oo Kenya gelisay muran-badeed kutalagal ah ayaa  go’aamisey Oct-2019 in markii 3aad dib loo dhigay fadhigii iyo dhagaysigii dacwadda Badda Soomaliya, maxkamaddu waxa ay sheegtay in tallaabadaas ay u qaadday tixgelinta codsi kayimid xukuumadda Kenya!

ICJ sida ay shaacisay waxa ay ahayd in fadhiga dhegeysiga dacwadu qabsoomo 8- June 2020, sababta loo qaatay go’aanka dib u dhigidda waxa ay maxkamaddu ku qeexday in ay ahayd baahi loo qabo  in labada dhinaca metelaad buuxa ka helaan maxkamadda horteeda.

Sida ay qabaan Qareenada iyo Diblomaasiyiinta Kenya oo wada dadaal aan joogsi lahayn  Soomaaliya waxa ay haysataa fursad weyn iyo kaalin qaanuun ahaan la hubo in ay ku guuleysaneyso Kiiska Baddeeda hayeeshee Keenyaanku waxa ay rejo kaqabaan in hogaamiyayaasha iyo xafiisyada gacanta ku haya Kiisbadda Soomaaliya ay siiyaan Kenya fursad ay si dhib yar ugu qaadato qyab kamid ah biyaha Soomaaliya iyada oo taageero kaheleyso dowlado ay kamid tahay Norway.

Si aad u fahamto sababta dib loogu dhigay dhegeysiga iyo sii wedidda Kiiska dacawada Badda Soomaaliya waxa aad u baahan tahay in aad ogaato hogaamiyayaasha iyo xafiisyada muddo 4 sano ah gacanta ku haya loogana dambeeyo socodsiinta iyo dacwada iyo difaaca biyaha Soomaaliya.

Wakiilkeeda koowaad ee dacwada Badda Soomaaliya (Agent) waa RW kuxigeenka Xukuumadda Nabad & Nolol Mudane Mahdi Guled Khadar, halka wakiil labaad ama (Co-Agent) habayaraatee uusan jirin.

Haddaba Axadle oo aragtay dokumentiyo gaar ah oo markii ugu horeysay laga helay xogta maxkamadda iyo aqrinta feylka dacwadda ayaa ogaatay in habka dacwaddu uga socoto dhinaca Soomaaliya uusan ahayn mid ku habboon Waddan leh Milkiyadda biyaha lagu murunsan yahay.

Sida ay qabaan xildhibaano iyo madax kamid ah dowladda Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed maaddaama uu gacanta ku hayey Faylka Itoobiya ee madaxtooyada Soomaaliya waxa uu dadaal badan geliyey ka guulgaaridda hindisihii dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Kenya  oo RW Abiy Axmed Cali ku billaabay Kulan dhexmaray madaxweynayaasha Soomaaliya & Kenya, falanqeeyeyaashu waxa ay qabaan in Xasan Cali Khayre oo xilligaas ahaa Wasiirka Koowaad ee xukuumaddu uu codsaday in laga fogeeyo arrinta muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya maaddaama Norway oo uu ka haysta dhalshada labaad ay Keynya ku taageereyso kuna garab-siineyso damaceeda dhul-ballaarsiga kudhisa.

Reereynta Garsoorka!

Sida ay Axadle Media u sheegeen garsoorayaal, garyaqaano iyo Kaaliyeyaal katirsan Maxkamadaha Gobolka, Racfaanka iyo Maxakamadda sare ra’isalwasaare ku xigeenka xukuumadda Nabad & Nolol Isaga oo ka faa’iideysanaya awoodda xafiisiisa iyo xiriirka iyo qaraabanimada kaladhexeysa guddoomiyaha maxkamadda sare  waxa farageliyey qaab-dhismeedka Garsoorka Waddanka sidaas oo kalana isaga oo kaashanaya Baashi Yuusuf Axmed waxa uu dalacsiin iyo Shaqaaleyn si qaraabo-kiil ah ugu sameeyey 14 qof.

Arrinta layaabka leh ee uu ku kacay Mahdi Guuleed waa in uu ku taageeray guddoomiyaha Maxkamadda sare dallacsiinta 3 garsoore oo heer degmo ah kuwaas oo loo dallacsiiyey heer gobol iyada oo aan la hayn soo jeedin katimid guddi adeeg garsoor iyo Digreeto madaxweyne oo ay waajib tahay in lamaro marka heerarka kaladuwan ee maxkamadaha  loo dalacsiinayo garsoorayaasha.

Asad Cabdi Guuleed
Cabdifitaax Jeexjeex
Maxamuud Yaasiin Jaamac

Saddexdaas garsoore waxa ay ahaayeen garsoorayaal heer degmo hayeeshee iskaashi dhexmaray  Baashe Yuusuf iyo Mahdi Guuleed ayaa u fududeeyey in ay u dallacaan heer gobol iyaga oo aan midkoodna ku imaan Digreeto madaxweyne iyo soojeedin guddi adeeg garsoor midna.

Muqalaska Dal-kugalka Turkiga (MZ Visa)

2019 Wadahadal dhexmaray xafiiska Raysul Wasaarihii Baarlamanku eryey  iyo safaadda Turkiga ayaa lagu joojiyay in xafiiska Raysul ku xigeenku uu si toos ah u codsado dal kugallada Turkiga kadib markii ay caddaatay in la iibsaday Visaha Turkiga oo boqollaal dhallinyaro ah oo ka yimid gobollada Woqooyi lagu dhoofiyay, kadibna ay tahriib ku galeen Yurub.

Cabdiqani Yaasiin Maxamed; Xogheynta Mahadi Guuleed oo u xilsaarnaa la macaamilka Safaaradda Turkiga ayaa kaddib Wadahadalka Xafiiska Ra’isalwasaaraha iyo Safaaradda Turkiga waxa guud ahaan laga joojiyey xiriirkii iyo Wadashaqeyntii kaladhexeysay Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, xogyihii hore ee XRW ayaa xilligaas si kulul ula hadlay Mahdi Guuleed una sheegay inay waajib tahay in Cabdiqani shaqada laga diro balse, Guuleed ayaa ku adkeystay in Cabdiqani sii shaqeeyo.

Sidoo kale Mahdi Guuleed ayaa xilligii uu ahaa xil-gaarsiiyaha Ra’isalwasaaraha waxa uu isku dayay in shirkadda MZ Visa ee fudueysa dal-kugalka Turkiga uu ku wareejiyo shaqaale ay isku heyb yihiin, si halkaasi uga sii socoto ka ganacsiga Dal-kugalka Turkiga.

Durbaanka MW Farmaajo!

Waxa uu weeraray Hogaamiyayaasha dowlad Goboleedyada, madaxweynayaal hore, dowladaha deriska ah, musharraxiinta, kuma hadlo siyaasadda dowladda uu ka tirsan yahay balse madaxweynaha ayaa u idmada inuu baahiyo waxyaabaha aan sumcad ahaan u wanaagsanayn inuu isaga afkiisa ka sheego balse uu doonayo in laga hadlo.

Nofember 2020: isaga oo la hadlayay arday laga soo uruuriyay qaar kamid ah dugsiyada Muqdisho ayuu yiri: “Isbedel baa dhacay, madaxweyne Lafta gareen wareeggii koowaad ayuu aqlabiyad ku soo baxay, Galmudugna Qoorqoor wareeggii koowaad ayuu aqlabiyad ku soo baxay, mar sadexaad waxaanu ogeynay Cali Guudlwaawe wareeggii koowaad ayuu aqlibiyad ku soo abxay, Marka waa xilligii wareegga koowaad ee 2020 yaan loo daymo la’aanin”.

July 2020: Xilli indhaha lagu wada hayay shirkii Dhuusamareeb ee habraaca doorasahda ayuu xaflad baarlamaanka looga mahadcelinayay 13 kursi oo gobolka Banaadir loo asteeyay balse lagu hungoobay waxa uu hogaamiyayaasha maamul goboleedyada ku tilmaamay “dhallaankii hooyadii dhalmada baray” isaga oo si xamaasad ku dheehan tahay ugu sheegay in ay ka hor yimaadaan shirkaas.

Waxa uu muujiyay in MW Farmaajo ku guuleysan doono wareegga koowaad muddo xileed kale iyada oo loo marayo waddadii loo maray Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle, taas oo loo fasiran karo in Villa Somalia qorsheyneyso doorasho lamid ah tii lagu muran Sanaa ee gobolladaas ka dhacday.

Waxaa jiro tobaneeyo hadal xanaf leh oo uu ku duray siyaasiyiin, qabaa’il, waddamo deris ah oo uu jeediyay muddadii uu xilka hayay. 

Ra’iisulwasaare Dadban:

Raysul Wasaarihii la eryay ee xukuumadda Xasan Cali Kheyre isaga oo madaxweynaha ku raalli gelinaya, kana cabsi qaba saameynta uu Guuleed ku lahaa madaxtooyada ayuu Howlo badan oo muhiim u ahaa dalka  hoos geeyay xafiiska ra’iisulwasaare ku xigeenka. Hogaamiye Farmaajo oo dhankiisa aad ugu kalsoon Mahdina waxa uu Kheyre ku cadaadiyay inuu maamulka xukuumadda kaalin weyn ku yeesho.

Qeybaha & Howlaha hoos imaanayay xafiiska Mahdi waxaa kamid ahaa:

Unugga iskudubaridka Gargaarka “Aid coordination Unit”: xafiiskaan ayaa maamula dhammaan kaalmada Soomaaliya soo gaarto isaga oo jaangooya baahiyaha hay’adaha dowladda kadibna go’aan ka gaara cidda la caawinaayo iyo sida loo caawinaayo. Madasha ay iskuugu yimaadaan deeqbixiyeyaasha oo go’aamadaan lagu gaaro waxaa shirguddoomiya Mahdi Khadar Guuleed.
Mashruuca Argagixiso la dagaalka ee dalka “PCVE”: waa mashruuc ay malaayiin dollar ku bixinayeen deeq bixiyeyaal. Gebi ahaanba mashruucaan oo ay bahwadaag ku yihiin wasaarado badan waxa uu si hoos ah u hoos tagayay xafiiska Ra’iisulwasaare ku xigeenka.
Bey’adda: Horay waxa ay u ahayd wasaarad gooni u taagan, balse xukuumaddan waxa ay ka dhigtay wax kamid ah xafiiska Ra’iisulwasaaraha oo si toos ah u hoos tagto xafiiska ra’iisulwasaare ku xigeenka, taas oo ka dhigan in Mahdi uu u dhigmay wasiirka Bey’ada ahna Ra’iisulwasaare ku xigeen.

Malaayiin dollar oo loogu talagalay la dagaallanka isbedelka cimilada iyo saameynta ay reebeen ayaa ku baxa waaxdan oo qaab mashaariic ah deeq-bixiyeyaashu u soo mariyaan.

Kiiska Badda: sida aan ku soo xusnay qeybta aan uga hadalnay Dacwadda Badda Soomaaliya, xafiiska Mahdi M. Guuleed waxa uu  gaar la ahaa arrinta dacwadda badda oo aan habayaraatee uusan waxba kala socon ra’iisulwasaarihii la eryay ee Xasan Kheyre.

Ganacsiga Qaadka Hareeriga

Kadib markii uu xumaaday xiriirka Kenya iyo Soomaaliya, koox uu mahdi hoggaaminayo oo xilala sarsare ka haya dowladda Federaalka ayaa billaabay soo dejinta qaadka Ethiopia ee Hareeriga loo yaqaano. Qaadkan oo umuuqda inuu bedelaayo kan Kenya ayaa koofurta Soomaaliya ku soo badanaya maadaama aysan jirin wax canshuur ah oo ay dowladda Soomaaliya ka qaaddo.

Sources:

Axadle Media
Human Rights Watch
Caasimadda Online
Maxkamada Cadaaladda adduunka ICJ

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More