Edinson Cavani Oo Guul Soo Laabasho Cajiib Ah Ku Hogaamiyay

0

Manchester United ayaa soo laabasho cajiib ah sameysay ka dib markii ay 3-2 ku karbaashtay Southampton oo labo gool ku hormartay iyadoo Edinson Cavani oo bedel ku soo galay ciyaarta uu guushaan weyn ku hogaamiyay kooxda.

- Advertisement -

Southampton ayaa labo gool oo degdeg ah dhalisay qeybtii hore ee ciyaarta laakiin Cavani oo bedel ku soo galay bilowgii qeybta labaad ayaa caawiye ka noqday goolka Fernandes, wuxuu madax ku dhaliyay goolka barbaraha ciyaarta oo 15 daqiiqo ka harsan halka uu goolka guusha dhaliyay daqiiqadii 3aad ee shan daqiiqo oo ciyaarta lagu daray.

Cavani oo super bedel noqday ayaa seddex dhibcood oo weyn u soo hooyay Man United.

Donny van de Beek ayaa lagu soo bilaabay kulankiisii ugu horeysay ee Premier League halka Mason Greenwood uu isna ku soo noqday shaxda Manchester United, iyadoo Anthony Martial, Paul Pogba iyo Scott McTominay ay gabi ahaanba ka maqnaayeen kulankaan.

Labada kooxood ayaa kala qeybsaday labadii qeybe ee ciyaarta iyadoo qeybtii hore ay ciyaarta heysatay Southampton kuwaasoo ku durduriyay goolka Manchester United.

Kooxda martida loo ahaa ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 23aad inkastoo United ay kubada heysatay wixii ka horeeyay waqtigaas. Iyadoo koorno uu soo qaaday Ward-Prowse uu madax ku dhaliyay Bednarek.

Seddex daqiiqo ka dib Southampton ayaa birta garaacday ka dib markii kubad ka soo baxday lugta Walker-Peters ay qof kale ku dhacday ka hor inta aysan birta soo celinin.

Daqiiqadii 33aad ayay Southampton sii dheereysatay hogaankeeda markii laad xor ah oo uu xerada goolka banaankeed aka soo qaaday Ward-Prowe uu celin wayay goolhaye De Gea inkastoo uu kubada gacanta ku taabtay.

Goolkaas ayaa sidoo kale musiibo ku sii noqday Man United iyadoo De Gea uu gacanta ka dhaawacmay intii uu isku dayayay inuu badbaadiyo laadka xorta ee Ward-Prowse, waxaana la bedelay waqtigii nasashada iyadoo uu soo galay Dean Henderson.

Waxaa isna bedel ku soo galay bilowgii qeybta labaad Edinson Cavani oo bedelay Mason Greenwood, labada bedel ee Man United ayaana hurdada ka kiciyay xiddigaha kale ee kooxda kuwaasoo durbadiiba u tafa xeytay inay ciyaarta dhanka kale u rogaan.

Cavani ayaana saameyn weyn yeeshay daqiiqadii 59aad markii karoos uu soo dhigay uu shabaqa ku taabtay xiddiga Man United Bruno Fernandes oo ku guuleysatay inuu kubada dabamariyo goolhaye McCarthy.

Xiddiga reer Uruguay ayaana dhameystiray soo laabashada Manchester United daqiiqadii 74aad markii kubad koorno aheyd oo loo baasay Fernandes uu isna u sii karoosay dhanka goolka waxaana madax ku dhaliyay Edinson Cavani oo ciyaarta ka dhigay barbaro 2-2 ah.

Daqiiqadii seddexaad ee shan daqiiqo oo ciyaarta lagu daray Manchester United ayaa heshay goolka guusha markii kubad uu soo dhigay Rashford uu shabaqa ku taabtay Edinson Cavani oo dhameystiray soo laabashada Man United oo 3-2 ku badisay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More