QM oo War kasoo saartay ololaha ka dhanka ah cudurka

Children is vaccinated as part of national polio and measles vaccination campaign in Mogadishu, Somalia on Tuesday 01 September 2020. Photo Ismail Taxta / Ildoog/WHO SOMALIA

24-ka Oktoobar, waa maalinta loo goonida yeelay ciribtirka cudurka Dabaysha oo kamid ah lexda cudur ee dilaaga ah, isla markaana olole ka dhan ah uu ka socdo guud ahaan Caalamka si loosoo afjaro.

Cudurkaan ayaa naafeeya lixaadka qofka uu ku dhaco, waxaana la siiyaa tallaal kahortag si jirka qofka uu awood ugu yeesho iska difaacadda cudurka Dabaysha sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Sanduuqa Caalamiga ah ee Gurmadka Carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay (UNICEF) ayaa lagu sheegay in loo gudbayo wajiga labaad ee tallaalka cudurka Dabaysha.

Warsaxaafadeed ku saabsan Cudurka Dabaysha ee Soomaaliya 2020

Barnaamijka Dabargoynta Cudurka Dabaysha ayaa soo bilawday 1997-dii sida ku xusan warsaxaafadeedka, waxaana adeegga lagu tallaalayo dhallaanka ka qaybgalay boqolaal shaqaale ah.

Qaramada Midoobay ayaa dhawaan sheegtay in Qaaradda Afrika laga soo afjaray Cudurka Dabaysha oo dadaal xooggan laguna gungaarayo qorshaas uu socday, waxaana ugu dambeeyay Dalka Nigeria.

In ka badan 95% bulshada Afrika ayaa la tallaalay si jirkoodu uu u helo difaaca kahortagga cudurka Dabaysha, waana tan loo arko in ay fududeysay soo afjaridda kiisaskii laga diiwaangelin jiray Qaaradda.

Qiyaasta dadka kunool Qaaradda Afrika oo la sameeyay sanadkaan 2020 waa 1,350,326,591 (Hal Bilyan, Saddex & Konton Milyan, Saddex boqol, labaatan iyo lex kun, shan boqol, sagaashan iyo koow).

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More