Maraykanka,Ruushka & Belgimka oo ka hadlay Dhaqaalaha Al

Dowladdaha Maraykanka, Ruushka, Jarmalka iyo Belgiumka ayaa ka hadlay warbixin ay dhawaan soo saareen koox ka tirsan Qaramada Midoobay kuwaas oo sheegay in Al Shabaab lacago badan ka soo xareen canshuuraha gudaha Soomaaliya inkastoo dowladda Soomaaliya qayb ahaan beenisay warbixintaasi.

Warbixin lagu daabay Associated Press ayaa lagu sheegay in Mareykanka xoogga saarayo ka hortaga “maalgalinta sharci darrada ah ee ay adeegsadaan AL-Shabaab” sida ay qabaan Koox ka tirsan Q.M Al Shabaab ayaa uruursaday in ka badan 21 milyan oo doollar sanadkii hore una adeegsadeen howlgaladooda ka dhan ah Fowladda Faderaalka Soomaaliya, AMISOM, Wadamada dariska ah iyo Diblumaasiyiinta ku sugan Soomaaliya.

Haweenayda lagu magacaabo Kelly Craft oo ah wakiilka Maraykanka u joogta Qaramada Midoobay ayaa u sheegtay Golaha Amniga Arbacadii in maamulka Trump ay ka go’an tahay la shaqeynta dowladaha kale iyo adeegsiga cunaqabateynta Q.Midoobe si looga hortago “maalgalinta argagixisada” iyo qatarta ka imaaneysa bambooyinka macmalka ah ee ay sameeyeen Al Shabaab sida ay hadalka u dhigay.

“Wax ka qabashada halista joogtada ah ee al-Shabaab waxay u baahan tahay wadashaqeyn dhow oo dhexmarta dowladda federaalka Soomaaliya, hay’adaha gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah si loo carqaladeeyo ilaha ay dhaqaalaha ka helaan.” Ayay tiri

Waxa ay intaasi raacisay in Mareykanka sidoo kale uu wali diirada saarayo xaddidaada awooda Al-Shabaab ee weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah.

“Khatarta Al-Shabaab ay ku hayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya waxay ka baxsan tahay saameynta ay ku yeelan karto ficillada milatari ee caadiga ah ee kooxda iyo dagaalka asymetric-ka ah oo ay ku jiraan baadda casriga ah iyo nidaamyada” canshuuraha, hababka qorista carruurta iyo mashiin dacaayad wax ku ool ah, “ ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saareen Koox ka tirsan Qaramada Midoobay.

Safiirka Belgium-ka ee Qaramada Midoobay Philippe Kridelka, oo ah gudoomiyaha gudiga Golaha Amniga ee la socodka cunaqabateynta hubka iyo cunaqabateynta kale ee saaran Soomaaliya, ayaa ka warbixiyay shaqadii gudiga, isagoo carabka ku adkeeyay in Al Shabaab dhaqaalo badan ka soo galo gudaha Soomaaliya.

Danjiraha Jarmalka ee U.N. Christoph Heusgen ayaa soo dhoweeyay shaqada gudiga, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto “caqabada joogtada ah ee Al-Shabaab ay ku hayaan xasiloonida iyo amniga dalka.”

Sidaa darteed, ayuu yiri, “aad ayey muhiim u tahay in nidaamka cunaqabateynta la sii wado si dhab looga hor istaago Al-Shabaab in ay sameeyaan waxa ay isku dayaan in ay sameeyaan.”

Ku-xigeenka Safiirka Ruushka U.N. Anna Evstigneeva ayaa sheegtay in Moscow ay tixgelinayso cunaqabateynta, oo ay ku jiraan xaddidaadda waxyaabaha IED, oo ah aalad muhiim ah oo ka caawinaysa dowladda Soomaaliya dejinta nabadda iyo amniga. Laakiin waxay ku nuuxnuuxsatay in cunaqabateynta “aysan ku khasbanaan doonin in ay caqabad ku noqoto” ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Guddiga ayaa sheegay in Al-Shabaab laga qabsaday dhul ay maamulaysay waqti dheer ka dib howgallo milatari oo ay fuliyeen Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa isku dhafka ah ee U.N. iyo Midowga Afrika ee nabad ilaalinta iyo kororka weerarada cirka ee “ka imanaya jilayaasha caalamiga ah,” oo ay ku jirto Mareykanka. Laakiin tan iyo bishii Deseembar ee la soo dhaafay, waxa ay sheegeen in kooxdu awood u yeelatay in ay fuliso saddex weerar oo baaxad weyn, oo ay ku jiraan saldhig milatari oo ay wadaagaan Mareykanka iyo Kenya bishii Janaayo iyo Hoteelka Muqdisho ee Elite bishii Ogosto.

Associated Press

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More