Kenya oo Dad la tuhmayo in ay Soomaali ku jirto u xirtay

6

Ciidamada ammaanka Garoonka Diyaaradaha Joma Kenyatta ayaa gacanta ku dhigay qaad si sharci darro ah looga qaadayay dalkaas, waxaana loo waday Dalka Norway si loogu kala iibsado suuq madow.

- Advertisement -

140 Kg oo qaad ah ayaa la qabtay, waxaana lagu qariyay Kabo nuuca xiran ee loo yaqaan Buudka, waa laga shakiyay culeyska kabaha, kadib waala baaray waana lagu arkay qaadkaas lagu qariyay sida uu qoray Wargeyska The Standard ee kasoo baxa wadanka Kenya.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray dad aysan sheegin inta ay la eg yihiin iyo Jinsiyadahooda, balse Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in ay u badan tahay dalalka dadka la hayo Soomaali iyo Kenyan, inkasta oo aan la xaqiijin.

Warbaahinta Gudaha Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in qaadkaan loo waday waddanka Norway, dadka la hayo ayaa aad loo baarayaa, maadaama garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta maalmihii dambe ay ku kordheen dhoofinta qaadka Sharci darrada ah.

Kenya ayaa u aragta in shakabado isku xiran in ay yihiin dadkaan marba wax ku qarinaya qaadka, si ay u geeyaan waddamo ay adag tahay in si toos ah loo geliyo Qaad sida saraakiisha Booliiska laga soo xigtay.

Todobaadkii hore waxaa Garoonka Jomo Kenyatta International lagu qabtay Soomaali la sheegay in ay wadeen walxaha maanka dooriya, laamaha amniga ayaa la wareegay kiiska dadkaas.

Hay’adaha amniga Garoonka ayaa weydiiyay dadkaan lagu qabtay Qaadka waxa ku jira Boorsada kahor inta aan baaris lagu dhaqaaqin, balse waxa ay sheegeen in ay wataan Digir, Bocor iyo qudaar kale, inkasta oo markii dambe lagu arkay qaadkaas.

Waxaa loo arkaa arrintaan mid dhaqaale ay ku raadinayaan ganacsatada qaadka Kenya, maadaama ay ku raadinayaan lacago ay ku qasaareen Suuqoodii Soomaaliya & Xayiraadda Coronavirus.

Dowladda Kenya ayay ka dalbadeen in ay la xaajooto Soomaaliya, balse waa ay ku adkaatay Xukuumadda Nairobi isu dayo dhicisoobay kadib shuruudo kala duwan oo la hordhigay Kenya haddii loo fasaxayo suuqa qaadka Soomaaliya.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More