Golaha Shacabka oo Cod Aqlabiyad ah Kalsoonida ku siiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo maanta Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu horgeeyay Golaha Shacabka ayaa codka kalsoonida ka helay si uu usoo dhiso xukuumad cusub oo uu dib ugu soo celiyo Golahaan si loo siiyo codka ay ku shaqeyn karto.

- Advertisement -

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya ayaa tagay xarunta Villa Hargeysa, waxaana muddo daqiiqo kadib ah gaaray Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo golaha Shacabka uga ergeynayay.

Xildhibaannada fadhiga joogtay waa 215 mudane sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo furitaanka kulanka codka geliyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa daah-furay kulanka, waxaana uu sheegay in hadal jeedinta inteeda badan in ay qaadanayaan Madaxda DFS.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay howlaha shaqo ee horyaalla Dowladda Federaalka, isu diyaarinta xaaladda kala guurka, doorashada iyo wada shaqeynta la doonayo in ay dhexmarto laamaha fulinta sharci dejinta & Xeer Dejinta.

“Maxamed Xuseen Rooble waa waayo arag oo aan ku aamini karo xilkaan, waxaa laga rabaa Ra’iisul Wasaaraha in uu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka ka qaadi karto meesha uu joogo” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad kooban kahor jeediyay Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa Golaha Shacabka kahor jeediyay khudbad uu ku dulmarayo waxyaabaha u qorsheysan haddii codka kalsoonida uu ka helo Xildhibaannada.

“Howlaha ugu horeeya ee aan mudnaanta siinayayo waxaa kamid ah: Amniga, Doorashada, Dowlad Wanaagga, la dagaalanka Musuqa, dhab u heshiinta, Iskaashiga Caalamiga ah waxaa iga go’an in aan soo xulo Xukuumad ka tarjumeysa baahiyaha dalka ka jirta insha allah.” Sidaasi waxaa yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Intaas kadib waxaa loo gudbay u codeynta kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana codbixinta ay u dhacday qaab gacantaag ah sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Mursal.

“Kalsooni siinta Mudane Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaarihii magacaawnaa, wax ka aamusan ma jiraan, wax diiday ma jiraan, waxaana u codeeyay 215-Xildhibaan, sidaas daraadeed waa ansax, waxa uuna ku guuleystay cod bixinta Golaha Shacabka” Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo ku sugnaa aqalka Shacabka ayaa ku dhaariyay Ra’iisul Wasaaraha 20-aad ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble si uu u guto waajibaadka shaqo ee laga sugayo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa la siiyay kalimad mahadcelin ah, si uu u bogaadiyo 215-ka Xildhibaan ee fadhiga joogtay isla markaana codka kalsoonida siisay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo meel gaar ah oo xarunta Villa Hargeysa ah la geeyay intii ay socotay codsiinta Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo yeeray, isla markaana soo xiray fadhiga gaarka ah, isaga oo dalbaday in codka la siiyo xukuumadda cusub marka uu soo magacaabo oo uu horkeenayo Golaha Shacabka.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More