“Doorashada sida lagu galayo laguma qanacsano ee Dalka yaan

Madaxweynihii 7 aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Hogaamiyaha Soomaaliya 2021 oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay ka hadlay Doorashada, Dhaq-dhaqaaqa Ciidan & marxaladda kala guurka.

Guddoomiye Shariif ayaa sheegay in xaaladda cusub uu galay dalka, taas oo ka dhalatay hab maamulka Doorashada 20/21 oo aan laga fakirin kahor waqtiga loo qorsheeyay sida uu hadalka u dhigay.

Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in aysan tanaasul keeni Karin hab maamulka sabab la xiriirta in ay joogto noqon karto oo Mustaqbalka jahwareer siyaasadeed uu kali karo Nidaamka dalka.

“Doorashada sida lagu galayo ee muuqata laguma wada qanacsano, haddana intii la xalin lahaa waxaa lagu xaliyay hab ciidan, aad ayaan uga xun-nahay, waxaana ka digeynaa in dalka dib loogu celiyo halkii uu ka yimid ilaahey ma qadaree” Shariif Sheekh Axmed.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Dowladda waxaa looga fadhigaa in ay xaliso tabashada laga qabo Doorashada oo ay la fadhiisato dadka ay quseyso, in Doorashada Xor & xalaal noqoto ma ahan mid laga tanaasuli karo, sababtoo ah waxa ay keeneysaa in markale ay dhacdo in uu burburo nidaamka dalka”.

Hoggaamiyaha Midowga Musharixiinta Hogaamiyaha 2021 ayaa sheegay in nidaamka Dowladnimada uu ku dhisan yahay isla ogol, iskaashi & Dastuur lagu kala dambeeyo oo la raaco.

Ciidamada Dowladda ayuu uga digay in ay hormuud u noqdaan dhibaato markale dalka uu galo, maadaama burburkii Dowladdi dhexe ay sabab u ahaayeen, waxaana uu uga digay in ay faraha la galaan arrimaha siyaasadda sida uu hadalka u dhigay.

“Dadku haddii ay waayaan xuquuqda ay leeyihiin waa ay ku saxan yihiin in ay isu soo baxaan, Ciidamo qaran waxa ay ku dhisan yihiin Sharci, dalkaan waxa uu soo maray dhibaatooyin badan oo ciidamada qayb weyn ka ahaayeen sida burburka, waxa aan rabnaa in ay noqdaan ciidamo Soomaaliyeed oo noo wada siman, haddii taasi la waayo ma noqonayaan Ciidan Qaran” Sidaasi waxaa yiri Shariif Sheekh Axmed.

Ugu dambeyn Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in la joogo xiliga la kaashanayo caqliga wanaagsan, waxaana uu soo jeediyay in laga baaqsado wax waliba oo keeni kara in nidaamka uu faraha ka baxo sida uu hadalka u dhigay.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More