Deni oo soo magacaabay xubnaha kumatalayda guddiga doorasha

Madaxweynaah Dowlad-goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah u soo gudbiyay xubnaha ku metalaya guddiyadda doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka 2020-21, kaas oo waafaqsan heesh-ka doorashada ee ay wadagaareen hogaamiyayaasha Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada dalka.

- Advertisement -

Xubanaha uu soo xushay Hogaamiyaha Puntaland ayaa kala ah Cabdiwali Tima-cadde, Muuse Geelle, Burhaan Cilmi Filig iyo Yaasmiin kuwaasoo ku biiraya xubnaha kale ee Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay soo xulayaan.

Cabdiwali Timace iyo Muuse Geelle ayaa, sidda xogta ku cad, waxay kamid noqonayaan Guddiga doorashooyinka heer federal, halka Burhaan Cilmi Filig iyo Yaasmiin, oo lataliye u ah madaxweyne Deni, ay  ku biiraya guddi xalinta khilaafaadka doorashooyinka.

Axadle ayaa fahamsan in Dowlad-goboleedyada Koofur Galbeed & Jubbaland ay horay u soo gudbiyeen magacyada xubnaha Guddiga doorashooyinka, halka Galmudug & Hir-Shabeelle aysan wali soo gudbin liiska xubnaha ku metalaya guddiyadda ka shaqaynaya codeynta soo socoto.

Hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa 17-kii September waxay isla meel-dhigeen qaabka iyo jadwalka doorashadda kaasoo xeerinaya in guddiyada lasoo gudbiyo ugu dambeyn 20-ka bisha October ee 2020-ka.

Jadwalkaas waxaa sidoo kale uu xeerinayaan in Xildhibaanka ugu horeeya ee Aqalka Sarre la dooran doono 1-da bisha December ee sanadkaan, halka mudanaha koowad ee golaha shacabka loo coddeynayo 1-da November 2020.

Hogaamiyaha iyo guddoonka labada aqal ayaa loo mudeeyay in lasoo xulo 8-da Janaayo illaa 8-da Febraayo taasoo ka dhigan in la qaban karo mudada u dhaxeysa, wallow ay ku xirnaan doonta sidda loo dardargeliyo arimaha doorashooyinka.

Guddiga farsamada & Xalinta khilaafaadka Doorashada ayaa marka lasoo wada gudbiyo kulan yeelanaya si ay isaga dhex doortaan Guddoomiyaha ugu da’da weyn oo si KMG ah u abaabulaya doorashada dhexdooda, bilawga bisha Nofeembar waxa ay waji doonaan howsha ugu culus oo ah diyaarinta, Hubinta iyo Xareynta Ergada Beelaha Kuraasta BFS.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More