Booliiska Waqooyiga Macedonia oo xiray Tahriibayaal Soomaali ku jirto!

Booliiska qaabilsan la socodka dhaq-dhaqaaqa Waqooyiga Macedonia ayaa sheegay in ay xireen 61-Muhaajiriin ah iyo 5-ruux oo loo badinayo in ay yihiin Muqalisiinta dadka tahriibisa in ay gacanta ku dhigeen.

Howlgalka baarista ah ayaa dhacay kadib markii xog lagu kalsoon yahay gaartay, ciidamada sida gaarka ah u qaabilsan howshaan ay ku dhaqaaqeen, maadaama lagu armay in ay fuliyaan howlgalka lagu qabtay.

Saddex dal ayay u badan yihiin dhalashada dadkaan la qabtay waana Afgaanistan, Siiriya iyo Soomaaliya, saddexaan waddan oo colaad iyo dhibaato sokeeyo ka taagan ayaa dadkaan ku qasabtay in ay isaga huleelaan dalkooda Hooyo.

Wargeyska Washington Post ee Dalka Mareykanka laga leeyahay oo xogtaan gunta u galay ayaa daabacay in ay ku jiraan muwaadiniin kale oo heysata dhalashada Bangladesh iyo Pakistan oo ka xasiloon saddexda dal ee kale.

Ciidanka Booliiska ayaa horay gacanta ugu dhigay 28-ruux oo lagu hayay guri ku yaalla Waqooyiga Macedonia, dhalashadoodu waxaa lagu sheegay Bangledish, Pakistan iyo dalka Afgaanistaan.

Dadkaan la qabtay waxaa ku jiray Wade (Darawal) doonayay in gaari uu saaro si uu uga gudbiyo Xadka Serbia, si ay usii wataan safarka ay ku doonayaan in ay ku tagaan waddamada kale ee Yurub iyaga oo ka gudbaya Jasiiradaha yar.

Tahriibayaasha lagu qabtay Waqooyiga Macedonia ayaa ka gudbay Xadka Giriigga uu la wadaago waddankaan, Xukuumadda Skopje ayaa adkeysay xadka ay la wadaagto dhiggeeda Athens, maadaama Tahriibayaal badan ay ku xayiran yihiin.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More