RASMI: Liiska SIDDEEDA Xiddig Ee Ku Tartamaya Abaalmarinta Xiddiga

Maamulka horyaalka Premier League ayaa ku dhawaaqay liiska siddeeda xiddig ee ku tartami doona abaalmarinta ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa tartanka bishan May ee ahayd bishii ugu dambaysay xilli ciyaareedkan 2020-21.

- Advertisement -

Siddeeda xiddig ayaa kala ah Alisson Becker, Sadio Mane, Aaron Ramsdale, Gareth Bale, Christian Benteke, Joseph Willock, Nicolas Pepe iyo Rodrigo Moreno.

Aan ku bilawnee Gareth Bale ayaa bishaas shan kulan metelay Tottenham isaga oo saddex guulood iyo laba guuldarro lasoo kulmay halka uu saddex gool usoo dhaliyay Spurs mudadaas.

Goolhaye Alisson Becker ayaa shan kulan oo uu isaguna Liverpool usoo ciyaaray dhammaantood guulo lasoo gaadhay bishaas, saddex kulan shabaq nadiif ah kusoo baxay halka uu si lama filaan ah gool muhiim ah uga soo dhaliyay West Bromwich.

Benteke ayaa ayaa shan kulan Crystal Palace afar gool ugu soo dhaliyay waliba afar kulan oo xidhiidh ah, goolhaye Ramsdale ayaa isaguna Sheffield shan kulan oo uu May metelay laba guulood lasoo gaadhay halka saddex laga adkaaday walow uu laba kulan shabaqiisa soo ilaashaday.

Rodrigo oo kooxdiisa Leeds United wacdarro kusoo dhigay ayaa shan kulan afar guulood kala soo hooyay isaga oo shaqsiyan afar gool soo dhaliyay halka uu hal caawimo soo sameeyay.

Sadio Mane ayaa shan kulan oo uu Liverpool u ciyaaray May shan guulood lasoo helay isaga oo qaab ciyaareed xun oo uu bilihii hore kusoo jiray saddex gool iyo laba caawimo kaga soo farxashay.

Joe Willock oo kamida xiddigaha ugu cad cad hanashada abaalmarinta ayaa afar kulan oo uu Newcastle usoo ciyaaray bishaas saddex guulood lasoo gaadhay isaga oo afar gool usoo dhaliyay dhammaan afartaas kulan.

Ugu dambayn, Nicolas Pepe oo u muuqda mid hadda helay sirta ka ciyaarista Premier League ayaa afar kulan afar guulood kula soo gaadhay bishaas Arsenal isaga oo shan gool soo dhaliyay waana rekoodh heer sarre ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More