Golaha shacabka kulmaya kadib fadhigii fashilmay. –
Xildhibaannada golaha shacabka ee dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in ay kulan yeeshaan kadib markii shaley uu kulankoodii kusoo dhamaaday buuq iyo guuldarro.
Qoraal kasoo baxay aqalka baarlamaanka ayaa lagu sheegay in kulanka berri looga hadli doono labo arrimood oo kala ah cudurka Covid-19 iyo u codeynta xubnaha guddiga madaxabanaan ee xudduudaha.
Guuldarro ayuu kusoo dhamaaday kulankii shaley ay lahaayeen xildhibaanada barlamaanka federaalka ee Soomaaliya kadib markii xildhibaano ka tirsan…