Shaxda Rasmiga Ah Ee Man City vs Tottenham – Yaa Kusoo Bilowday, Yaase
Garoonka Wembley waxa ku sugan ciyaartoyda labada kooxood ee Manchester City iyo Tottenham, iyagoo foodda isku daraya Finalka Carabao Cup ama ELF Cup, iyadoo ay daawanayaan oo 8,000 taageereyaal ah oo loo ogolaaday in ay gudaha garoonka soo galaan.Manchester City oo hore meel u dhigatay horyaalka Premier League ayaa doonaysa in koobkeeda labaad uu noqdo Carabao Cup, iyagoo sidoo kalena rajaynaya in Champions League oo ay finalkiisa joogaan ay ku guuleysan karaan.Tottenham ayaa dhinaceeda waxay doonaysaa in ay soo afjarto 13…