Man United Iyo Arsenal Oo Weeraryahan Isku Haysta, Barcelona Oo Daafac

Liverpool ayaa wali qorshaynaysa inay daafaca dhexe ee RB Leipzig ee Ibrahima Konate lacag 40 Milyan oo pound ah kasoo bixiso xagaaga walow ay qasaare 46 Milyan oo pound ah dhawaan ku dhawaaqday. (Mail)

- Advertisement -

Xiddiga ree Brazil ee Neymar ayaa sheegay inay dhaw dahay heshiis kordhinta uu u samaynayo PSG isla markaana ku dhawaad waxkasta la xaliyay. (RMC Sport, through Aim)

Tababaraha Leicester Metropolis ee Brendan Rodgers ayaa sheegay inuusan wax xiiso ah u qabin inuu tababare u noqdo Tottenham. (Sky Sports activities)

Barcelona ayaa xiisaynaysa inay 21 sano jirka ree Netherlands ee Matthijs De Ligt kala soo saxeexato Juventus. (Sport – in Spanish)

Xidhiidhka kubadda cagta Germany ayaa wadahadalo la bilaabaya tababaraha Bayern Munich ka tagaya ee Hansi Flick oo ay ka dhiganayaan bedelka Joachim Low.(90min)

Tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger ayaa sheegay inuu isku diyaarinayo inuu ka qayb noqdo heshiiska ay kooxdaas kula wareegayaan Bilyaneer Daniel Ek iyo saddex kamida xiddigihii uu kooxdaas kusoo maamulay. (BeIN Sports activities, through Mirror)

Khadka dhexe ee xulka England ee Jesse Lingard ayaa ku riixi doona kooxda Manchester United in xagaaga si rasmi ah lavatory iibiyo marka uu dhammaado heshiiskiisa amaahda ah ee West Ham United. (Eurosport)

Inter Milan ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxeexa 32 sano jirka weeraryahanka ah ee Sergio Aguero kaas oo sidoo kale ay doonayso Barcelona isla markaana qaab bilaash ah kaga tagaya Man Metropolis xagaaga. (Caciomercato – in Italian)

Weeraryahanka xulka Canada iyo kooxda Lille ee Jonathan David oo 21 sano jir ah ayaa ku jira xiddigaha ay baadi-goobayaan kooxaha Arsenal iyo Manchester United. (Fichajes.web – in Spanish)

Tottenham ayaa isha ku haysa xaalada 22 sano jirka Ivorian-ka ah ee khadka dhexe ee kooxda Celtic ee Ismaila Soro. (Mail)

Chelsea ayaa xiisaynaysa daafaca garab ee kooxda Villarreal ee Alfonso Pedraza iyo Robin Gosens oo isna ka tirsan Atalanta isla markaana qudhiisu daafac garab ah. (Caught Offside)

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee kooxda Barcelona ee Jordi Mestre ayaa sheegay in kabtanka kooxdaas ee Lionel Messi uu kooxda sii joogi doono.. (Sin Concesiones, through Talksport)

Actual Madrid ayaa qabin wax dareen ah oo ah inay iibiso 22 sano jirkeeda khadka dhexe ee Martin Odegaard oo hadda heshiis amaah ah ugu maqan Arsenal. (AS – in Spanish)

Arsenal ayaan wali wax wadahadalo ah oo ay heshiis cusub kaga saxeexanayso la yeelan daafaceeda dhexe ee ree Brazil ee David Luiz oo 34 sano jir ah. (Night Normal)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More