Maamulka Barcelona Oo Gaaray Mid Ka Mid Ah Go’aamadii Ugu

Agaasimihii hore ee kooxda Barcelona Javier Bordas ayaa sheegay in kooxda reer Spain ay soo martay fursad ah inay la wareegaan xiddiga Paris Saint-Germain Kylian Mbappe balse ay bedelkiisa u dhaqaaqeen xiddiga dhaawacyada u nugul ee Ousmane Dembele.

- Advertisement -

Agaasimaha ayaa sheegay in wakiilka Kylian Mbappe inuu la soo xiriiray iyadoo heshiiska lagu dhameyn karay 100 milyan euro laakiin ay ka doorteen inay 105 milyan euro kula soo wareegaan xiddigii Borussia Dortmund Dembele.

“Markii aan la saxiixaneynay Dembele, waxaa la isla soo xiriiray Josep Maria Minguella kaasoo ii sheegay inaan la wareegi karno Mbappe.” ayuu yiri Bordas.

“Waxaan kala hadlay madaxweyne Jose Maria Bartomeu, wuxuuna ii sheegay inaan eegno isaga. Waxaan ku heli karnay 100 milyan euro.

“Agaasime Robert Fernandez ayaa doorbidayay Dembele, wuxuuna taageero ka helay maamulaha guud Pep Segura.

“Waxay sharaxaad ku bixiyaan in Mbappe uu yahay nin naftiisa u ciyaara halka Dembele uu yahay nin kooxda u ciyaara, madaama xiddig garab ah Neymar uu kooxda ka tagay, Robert wuxuu doonayay xiddig garab ka dheela marka loo eego dhameystire.”

Warkaan ayaa wadno qabad ku ah taageerayaasha Barcelona kuwaasoo heli karay laacibka PSG Kylian Mbappe balse bedelkiisa doortay Ousmane Dembele oo ay adag tahay inuu si joogta ah u dheelo sababo la xiriira dhaawacyadiisa oo badan.

Taageerayaasha ayaase niyada ku dejisan kara in dhamaan ragii go’aankaas qaatay oo uu ku jiro madaxweyne Bartomeu inay kooxda isaga tageen iyadoo maamul cusub uu imaanayo sannadka cusub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More