Ma Rumaysan Kartid – Thomas Tuchel Oo Kala Doortay FA Cup Iyo In

Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa kala doortay ku guuleysiga Koobka FA Cup ee ay finalkiisa caawa la ciyaarayaan Leicester Metropolis iyo in Blues ay ka mid noqoto afarta kooxood ee ugu sarreeya Premier League ee ka qayb-geli doona Champions League xilli ciyaareedka dambe.

- Advertisement -

Chelsea oo ku jirta kaalinta afraad ee horyaalka Premier League ayaa waxay afar dhibcood ka horreysaa Liverpool oo ciyaari baaqi u tahay, waxaana haddii ay Reds soo badiso kulankeeda Axadda ay kaliya ka sarrayn doontaa hal dhibic.

Waxa intaas dheer, in Salaasada ay Chelsea ballansan yihiin Leicester  Metropolis oo kulan ka tirsan horyaalka Premier League ay foodda isku dari doonaan, kaas oo haddii laga badiyo ay u degi karaan kaalinta shanaad, xilli horyaalkana hal kulan oo kali ahi uu ka hadhsanaanayo.

Laakiin khatarta ah in ay ka baxaan afarta sare, waxa iyaduna la wadaagta Leicester Metropolis oo ay u hadhsan yihiin Chelsea iyo Tottenham, halka ciyaarta ugu dambaysa ay Blues la dheeli doonto Aston Villa.

Si kastaba, Thomas Tuchel dan badan kama laha in kooxdiisu ka maqnaato afarta sare iyo tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, waxaana uu ka door-bidayaa in caawa ay ku guuleystaan FA Cup, sida uu sheegay Darren Bent.

Weeraryahanka hore ee Premier League ee Bent, waxa uu sheegay in Tuchel ay ku weyn tahay in uu ku guuleysto koob halkii ay kooxdiisu Champions League kasoo muuqan lahayd.

“Thomas Tuchel, waxa ku weyn oo uu dooranayaa FA Cup oo uu ku guuleysto. Waxa kale  oo ay taagan yihiin finalka Champions League. Waa koob aad u weyn. Marka hore, waxay doonayaan in ay ku guuleystaan koobkan, kaddib haddii ay garaacaan Leicester waxay fursad weyn u helayaan afarta sare.” Ayuu yidhi Bent.

Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu Darren Guess yidhi: “Thomas Tuchel waxay la tahay, in kooxaha uu seeskoodu yahay guulo, mar horena uu geeyey finalka Champions League. Markaa waa in uu ku guuleysto FA Cup, kaddibna ka walaaco wixii kale.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More