Xigasho: Qoor Qoor oo baajiyay safar uu ku tagi lahaa Dhuusamareeb – Axadle

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta hakiyay safar uu ku tagi lahaa Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Xog ay heshay Axadle ayaa sheegeysa in madaxweyne Qoor Qoor ay ku wargeliyeen laamaha amniga in uusan ka dagi karin magaalada Dhuusomareeb, kadib markii duqeynta ay dhacday xalay saqdii dhexe.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa xalay ku dhawaad ​​toban hoobiye waxa ay ku garaaceen garoonka diyaaradaha Dhuusa Mareeb iyo nawaaxigiisa walina waxaa jira cabsi laga qabo in mar kale duqeyn dhacdo.

Wararku waxay tilmaamayaan in Madaxweyne Qoor Qoor ay u badan tahay inuu u safro magaalada Dhuusa Mareeb isla markaana uu ka dago garoonka diyaaradaha ee Cadaado si amaankiisa loo sugo.

Hogaamiyaasha dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa lafilayaa in ay siijoogaan maalmo kahor intaanay deegaanadooda 20 bishaan kusoo laaban Axadle si ay ugaqeyb galaan shir saxaafadeed heer raisul wasaare

Al-Shabaab ayaa bam ku qarxisay diyaarad uu la socday Madaxweyne Qoor Qoor garoonka diyaaradaha Dhuusa Mareeb bishii November ee sanadkii hore, inkastoo aan la soo sheegin wax dhimasho ah.

Tan iyo markii uu Qoor Qoor madaxweyne noqday isla markaana meesha laga saaray Ahlu-sunna, Al-Shabaab ayaa ku sii xoog badatay deegaanada Galmudug, iyadoo Qoor Qoor uu madaxweyne ka ahaa inta badan Caasimadda Muqdisho una adeegayay danaha Villa Soomaaliya

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More