Taliyaha CXD ayaa faahfaahinaya Howlgalka Cirka & Dhulka

Bayaan ka soo baxay Taliska Milatariga Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay howlgallo saacado qaatay oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay inta u dhaxeysa Balcad ee Shabellaha Dhexe iyo Afgooye ee Shabeellaha Hoose.

Abaanduulaha ciidamada xoogga Gen. Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka ay qaadeen ciidamada dowladda isla markaana qasaaro lagu gaarsiiyay xubno ka tirsan Al-shabaab.

Odowaa ayaa tilmaamay in howlgalka uu ahaa mid dhulka iyo cirka ah oo ay wehliyaan duqeyn, gaar ahaan deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Afgooye ee Koonfur Galbeed iyo Balcad oo ka tirsan Hirshabelle.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, oo ay ku dhinteen 25 qof 15 kalena ay ku dhaawacmeen. Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay qabteen shaqsiyaad aan tiradooda la shaacin. .

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa intaa ku daray in howlgalka ay sameeyeen ciidamada dowladda uu ahaa mid qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab, isagoo intaa ku daray in dadka la dilay uu ka mid ahaa horjoogayaasha Shabaab u qaabilsanaa dhanka. aagga. Balcad & Afgooye.

Ciidamada ayaa dhowr jeer ku celceliyay in howlgalo qorsheysan ay ka sameeyeen deegaanada u dhaxeeya Balcad iyo Afgooye, inkastoo markii dambe ay dib uga laabteen deegaanadii ay tageen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More