Browsing Tag

dhulka

Duqeyn dhulka lagula simay Guri kooxda Al-shabaab ku shirayeen oo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Arbaco, April, 24, 2024 (AX) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa saaxibada Caalamka oo is kaashanaya ayaa saacadahii lasoo dhaafay duqeymo dhanka cirka ah Ka fuliyay deegaano ka kala tirsan gobolada Shabeellaha dhaxe iyo Mudug. Duqeynta koowaad oo ka dhacday deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa la sheegay in lala eegtay guri ay ku shirayeen masuuliyiin ka tirsan kooxda Al-shabaab, hayeshee aanan la shaacin khasaaraha ka dhashay. “Diyaarado dagaal ayaa duqeymo culus ka fuliyay Degmada…

Taliyaha CXD ayaa faahfaahinaya Howlgalka Cirka & Dhulka

Bayaan ka soo baxay Taliska Milatariga Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay howlgallo saacado qaatay oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay inta u dhaxeysa Balcad ee Shabellaha Dhexe iyo Afgooye ee Shabeellaha Hoose. Abaanduulaha ciidamada xoogga Gen. Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka ay qaadeen ciidamada dowladda isla markaana qasaaro lagu gaarsiiyay xubno ka tirsan Al-shabaab. Odowaa ayaa tilmaamay in howlgalka uu ahaa mid dhulka iyo cirka ah oo ay wehliyaan duqeyn, gaar ahaan…

Taliska Booliska Boosaaso ayaa sheegay inay soo saareen Miino dhulka lagu aasay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay ku guuleysteen soo saarida miino lagu aasay mid kamid ah wadooyinka magaalada. Ciidankan oo helay xog ku saabsan miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa ay sameeyeen howl gal daqiiqado qaatay ugu dambeyntiina waxa ay ka soo saareen bambkii, sida uu sheegay Taliska Booliska Boosaaso. Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa dhankiisa sheegay in Qaraxyada Al-Shabaab iyo Daacish la doonayay in lagu waxyeeleeyo dadka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More