Sawirro: Maxay wakiilada Qadar kala hadleen Qoor Qoor iyo Guudlaawe? – Axadle

Muqdisho (Axadle) – Wakiilka gaarka ah ee Madaxweynaha Midowga Afrika u qaabilsan Qadar, Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa maanta Caasimadda Muqdisho kula kulmay madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle.

Dr. Al-Qaxtaani, oo Madaxweynayaasha kula kulmay Hotel Decale oo ku dhexyaala Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxa ay kawada hadleen ololaha doorashada iyo ismariwaaga siyaasadeed ee sanadkii hore isku badalay dagaal.

Wakiilka ayaa ku wargaliyay Qoor-Qoor iyo Guudlaawe doorka Qatar ee xalinta qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay ololaha doorashada, sida ay ogaatay Axadle.

Labadan madaxweyne oo dhawaan ka horyimid mudo kordhinta golaha wakiilada ayaa iyagu markii horaba daacad u ahaa madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday inkasta oo ayna isku afgaran mudo kordhinta.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah ergeyga gaarka ah ee Qatar u qaabilsan madaxda Soomaalida, kaasoo labadii maalmood ee la soo dhaafay kula kulmay Caasimadda Muqdisho ra’iisul wasaaraha, labo gudoomiye baarlamaan iyo musharixiinta mucaaradka.

Jahwareerka siyaasadeed ee ka taagan Qatar ayaa ku soo beegmaya xilli dib loo bilaabay wadahadaladii doorashooyinka ee u dhaxeeyay dowladda iyo dowlad goboleedyada, kaasoo marar badan fashilmay

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More