“Actual Madrid Waxay Ahayd Gurigayga, Mana Doonayn In Aan Ka Tago…”

Difaada midig ee reer Morocco ee Achraf Hakimi ayaa qirtay in uu doonayay in uu sii joogo Actual Madrid oo uu booskiisa u dagaallamo xagaagii tegay, markaas oo ay kooxda reer Spain ka iibisay Inter Milan oo uu shalay kula guuleystay horyaalka Serie A.

Actual Madrid ayaa xagaagii waxay Achraf Hakimi  kaga iibisay Inter Milan lacag dhan €40  milyan oo Euro kaddib saddex sannadood oo uu amaah kaga maqnaa Santiago Bernabeu, waxaana wararkii waqtigaas oo baxay ay sheegayeen in laacibkani uu ka dalbaday kooxda in boos uu ka ciyaaro oo aanay cidina ku qabsanin la siiyo haddii kalena la fasaxo.

Laakiin sida uu sheegay xalay, waxa uu doonayay in uu sii joogo naadigan oo uu illaa carruurnimadiisii ku sugnaa, isla markaana uu sannadkii 2017 kooxdeeda koowaad usoo dallacay kaddibna amaah loogu diray Borussia Dortmund oo uu isku muujiyey.

Zinedine Zidane oo kalsooni weyn ku qabay Dani Carvajal ayaa la rumaysan yahay in uu ka yimid go’aanka ah in lacag lagu beddesho Hakimi, hase yeeshee Dani ayaa xilli ciyaareedkan dhaawacyo dishoodeen, kaliya 15 ciyaaroodna u saftay.

Muxuu yidhi Achraf Hakimi?

22 jirkan ayaa markii ay xalay kooxdiisu ku guuleystay hroyaalka Serie A, waxa uu waraysi siiyey warbaahinta reer Spain ee El Chringuito, waxaana uu caddeeyey in aanu marnaba doonayn in uu ka tago Actual Madrid, isagoo yidhi: “Waa in aan caddeeyo. Dadku waxay sheegayaan in aanan anigu doonayn in aan sii joogo oo aan u tartamo booskayga, laakiin sidaas maaha.

“Qof kastaaba wuu ogyahay in Actual Madrid ay tahay gurigayga oo aan jeclaan lahaa in aan u ciyaaro, laakiin waxaan filayaa in duruufo kala duwan ay kooxda ku riixeen in ay gaadho go’aan kale.

“Qof walba wuu ogyahay in aan jeclaan lahaa in aan halkaas joogo oo aan ku guuleysto booskayga. Dadku approach hadlaan laakiin ma oga xaqiiqada.

“Aniga taas ayaa xoogaa i dhibaysa, dadku waxay moodayaan in aan ka baqay in aan ku guuleysto ama aan u dagaallamo booskayga. Aniga ayaa ahaa qofkii ugu horreeyey ee codsada in aan sii joogo, laakiin waa la i reebay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More