Daawo:Haamo Kiimiko laga soo buuxiyay oo ku caariyay xeebta

Cadale (Axadle) – Haamo sumeysan ayaa kusoo caariyey xeebaha deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe taasoo cabsi weyn ku abuurtay dadka Shacabka ah ee halkaas dagan.

Sida dadka halkaas dagan ay u xaqiijyeen Axadle, goobaha lagu arkay Haamahaan ayaa waxaa kamid ah ah hareeraha Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Haamaha la arkay ayaa gaarayo illaa 3 Haan oo waaweyn kuwaas oo afka xiran, waxayna dadka deegaanka sheegeyn in ay sun ka buuxdo.

Dadka dagan meelaha lagu arkay Haamahaan ayaa waxaa lasoo daristay cabsi weyn, maadaama laga cabsi qabo inay dilaacaan iyadoo xusid mudan tahay in dadkaas aysan laheyn aqoon ay uga gaashaantaan walxaha kiimimada ah.

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa wasaqda iyo kiimikada kusoo daadiyo dowlado badan tan iyo markii ay burburtay dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

Dowladihii kumeel gaarka ahaa ee soomaray Soomaaliya tan iyo burburkii ayaa lagu eedeeyey inay heshiis u saxiixeen dowlado shisheeye si ay xeebaha Soomaaliya ugu soo daadiyaan haraaga kiimikada loo isticmaalo warshadaha iyo hubka casriga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More