Maxaa looga hadlayaa kulanka u socdo Rooble, Maamul Goboleed…

Muqdisho (Axadle) – Waxaa hadda kulan ku leh Teendhada Afisiyooni Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta, Madaxda Shanta Dowlad Goboleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir & Wakiilada Beesha Caalamka.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta  Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoominayo kulanka, waxayna wararka sheegayaan in looga hadlayo sidii loo fulin lahaa heshiiskii ay Khamiistii Muqdisho ku kala saxiideyn Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo sugi lahaa amniga doorashooyinka, isla markaasna amniga loogu wareejin lahaa ciidamo Boolis ka socdo Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada iyo howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Beesha Caalamka ayaa la filayaa in kulankaan ay ka ballan qaado lacagaha ay ku bixin doonto doorashooyinka dalka iyo taageero dhinac walba ah si dalka ay uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah o ay ku qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada Soomaalida.

Khamiistii la soo dhaafay ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa ay siwadajir ah u saxiixeen heshiis doorasho oo ay ku gaareen Shir Afar Maalin uga socda Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa la filayaa in war murtiyeed laga soo saaro kulanka hadda ka socdo Teendhada Afisyooni, waxaana ku akhrisan doontaan wararkeena dambe Inshaa Allah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More