Madaxweyne Qoor-Qoor & Odoyaasha Gaalkacyo oo kawada hadlay

Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo xalay ku hoyday Magaalada Gaalkacyo ayaa qaabilay Odoyaasha dhaqanka Magaaladaas oo uu kala hadlay dhigista gogol lagu heshiisiinayo beelo maleeshiyaadkooda ku dagaalamay Gobolka Galgaduud.

Kaariye iyo Odoyaasha ayaa isku afgartay dhexdhexaadinta beelaha walaalaha ah ee dagaalamay, sidaas awgeed Waxgaradka Gaalkacyo ay qayb ka noqdaan dhinacyada dhexdhexaadinta ka qaybgalaya.

Saddexdii cishe ee lasoo dhaafay Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor waxa uu la kulmayay Odoyaal dhaqameed & qaybaha kala duwan ee Bulshada Gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Ujeedka waa sidii loosoo afjari lahaa colaadda daba-dheeraatay ee Beelaha qaar iyo dilalka aanooyinka la xiriira ee loo geystay Haween, Carruur, dad Reer Miyi ah iyo shaqsiyaad kale oo ah birimageydo.

Hogaamiyaha Galmudug oo safar dhul ah uga baxay Magaalada Dhuusamareeb ayaa tagay Cadaado oo ay hoyden habeen hore, shalay ayuu kasii safray waxaana uu gaaray Magaalada Gaalkacyo.

Madaxtooyada DG Galmudug oo faah-faahisay safarka ayaa sheegtay in Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye uu Waxgaradka kala hadlayo gogol dib u heshiisiin oo qabyo u ahayd muddo bilooyin kahor, balse waayihii dambe uu ku mashquulay Shirarka Dhuusamareeb 1,2 & 3.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More