Immisa Lacag Ah Ayaa La Siinayaa Kooxaha Horyaalka Premier League? –

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa lasoo gabogabeeyey Axaddii iyadoo kaalmaha saddexaad iyo afraad ay soo kala galeen Liverpool iyo Chelsea oo iska dhex-saaray Leicester  City oo shanaad u degtay.

- Advertisement -

Manchester City ayaa ugu dambayntii la guddoonsiiyey koobka horyaalka Premier League oo ay kasoo ceshatay Liverpool oo xilli ciyaareedkii hore ka qaadatay, laakiin xilli ciyaareed adag oo ay soo martay kaalinta saddexaad ku dhamaysatay kulankii ugu dambeeyey.

Liverpool oo in muddo ah ka maqnayd afarta sare ayaa guul 2-0 ahayd oo ay ka gaadhay Crystal Palace waxay ku xaqiijisatay in ay soo gasho kaalinta saddexaad, halka Chelsea oo Aston Villa ay kaga badisay 2-1 ay haddana ku dhamaysatay afraad, kaddib markii Tottenham ay 4-2 ku karbaashtay Leicester City oo haddii ay guuleysan lahayd booska ka cidhiidhsan lahayd Chelsea.

Leicester City ayaa gashay kaalinta shanaad, waxaana ku xigta West Ham oo lixaad gashay, sidaas ayaanay labadan kooxood kaga soo qayb-geli doonaan tartanka Europa League ee xilli ciyaareedka dambe.

Tottenham oo toddobaad ku dhamaysatay ayaa waxay ciyaari doontaa tartanka cusub ee Europa Conference League, balse Arsenal oo siddeedaad ku dhamaysatay ayaa ka maqnaan doonta  tartamada Yurub markii ugu horreysay tan iyo 1995kii.

Leeds United ayaa sagaalaad soo gashay, iyadoo Everton ay u degtay kaalinta 10aad ee badhtamaha miiska kala-sarraynta.

Saddexda kooxood ee Fulham, West Ham iyo Sheffield United ayaa dib ugu noqday heerkooda labaad.

Haddaba, lacag intee le’eg ayay kooxaha Premier League helayaan?

Premier League ayaa lacago siin doona kooxaha 20ka ah ee xilli ciyaareedkii dhamaaday ciyaarayay horyaalka, laakiin waxay ku kala duwanaan doonaan kaalmahooda oo ay ku kala sarrayn doonaan lacagaha ay helayaan.

Xilli ciyaareedkan oo dhaqaalaha uu kasii muuqdo saamaynta fayraska Korona, ayaan si dhab ah loo ogeyn lacagta ay koox walba heli doonto, laakiin waxa la filayaa in aanu isbeddel badan ku dhici doonin lacagihii sannadkii hore loo qaybiyey kooxaha.

Warbaahinta Ingiriiiska ayaa sheegtay lacagta ay koox walba heli doonto oo ku sallaysan booska ay kooxuhu soo kala galeen, waxaana Manchester City oo heli doonta £38 milyan oo Gini, waxaana ku xigta United oo laba milyan oo Gini ka dambaysa iyo Liverpool oo iyaduna laba milyan kasii dambaynaya Man United.

Lacagta ay heli doonto koox walba oo ku jirtay horyaalka Premier League xilli-ciyaareedka 2020/21

1aad – Man City – £38m

2aad – Man Utd – £36m

3aad- Liverpool – £34m

4aad – Chelsea – £32m

5aad – Leicester – £30m

6aad – West Ham – £28m

7aad – Tottenham – £27m

8aad – Arsenal – £24m

9aad – Leeds – £23m

10aad – Everton – £21m

11aad – Aston Villa – £19m

12aad – Newcastle – £17m

13aad – Wolves – £15m

14aad – Crystal Palace – £13m

15aad – Southampton – £11m

16aad – Brighton – £10m

17aad – Burnley – £8.5m

18aad – Fulham – £6m

19aad – West Brom – £4m

20aad – Sheffield United – £2.5m

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More