RASMI: Napoli Oo Qaabkii Ugu Xumaa Shaqada Uga Caydhisay Tababare
Kooxda kubadda cagta Napoli ayaa shaqada ka eriday tababaraheedii Gennaro Gattuso kaddib barbarro 1-1 ah oo ay xalay la galeen Hellas Verona, taas oo sababtay in ay ka hadhaan tartanka Champions League oo ay kaalinta shanaad kaga dhamaystaan horyaalka Serie A.
- Advertisement -
Napoli ayaa kaliya u baahnayd in ay guuleysato si ay ugu dhamaysato kaalinta afraad oo ay uga qayb-geli karto tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, laakiin waxay la kulmeen barbarro niyad-jab ah, taas oo fursad siisay Juventus oo booska afraad soo gashay kaddib 4-1 ay ku garaacday Bologna.
Gennaro Gattuso ayay kooxdiisu ciyaarta bilaabatay iyadoo fadhida kaalinta afraad, laakiin waxay ciyaartu u dhamaatayy iyagoo ku jira kaalinta shanaad, waxaana isla markiiba soo baxday warqadda shaqada lagaga caydhinayo.
Guddoomiyaha kooxda ayaa qaabkii ugu xumaa u eryay Gennaro Gattuso, waxaana si ka duwan qaababka kale ee tababareyaasha ay u eryaan kooxaha waaweyn uu qoraal ugu diray bartiisa khaaska ah.
Aurelio De Laurentiis ayaa halkii uu isticmaali lahaa warbaahinta kooxda sida baraha bulshada amaba in qoraal rasmi ah oo ay warbaahinta dalkaas u gudbiyaan, waxa uu go’aansaday in uu bartiisa bulshada ee shaqsiga ah ee Twitter-ka uu ku shaaciyo shaqo ka caydhinta Gennaro Gattuso.
De Laurentiis ayaa qoraalka uu ku daabacay bartiisa Twitterka, waxa uu ku yidhi: “Dear Rino, waan ku faraxsanahay in aynu wada qaadanay labadii sannadood ee ugu dambeeyey. Waad ku mahadsan tahay shaqada aad qabatay, waxaanan kuu rajaynayaa guul meel kasta oo aad tagto.
“Waxa kale oo aan salaan kal iyo laab ah u dirayaa xaaskaaga iyo carruurtaada. Aurelio De Laurentiis.”
Inkasta oo Gennaro Gattuso xalay laga eryey shaqada, haddana maaha wax layaab ah sababtoo ah waxa la filayay in go’aankani soo baxo xataa haddii ay kooxdu ka mid noqon lahayd afarta sare.
Wargeyska The Times ayaa waxa uu sheegay in aanu sinaba ku badbaadi lahayn Gennaro Gattuso oo mar walba shaqada laga caydhinayay.