Difaaca Ayuu Ka Ciyaarayey, Wuxuu Ahaa Mid Dagaallama, Been
Markii uu da’yarta ahaa, waxa uu jeclaa inuu ka ciyaaro difaaca midig, sababtoo wuxuu ahaa mid xamaasad badan, jecel inuu si adag u dagaallamo, taakooyinna ku qabta ciyaartoyda kasoo horjeedda. Tababarihiisii waqtigaas ayaa u riixay inuu difaaca dhexe soo galo oo uu garabka weerarka ka dhaqaaqo.
- Advertisement -
Tababarihiisa ayaa u sheegay in ‘haddii uu doonayo inuu noqdo ciyaartoy sare, inuu ka ciyaaro difaaca, haddii uu doonayana uu khadka dhexe tegi karo’. Balse difaacidda ayuu ka dhego-adaygay, waxaanu doortay nuu khadka dhexe hore ugu socdo.
Xiddiga Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa ka hadlay waayihiisii ciyaareed iyo carruurnimadii, boosaskii kala duwanaa ee uu ka soo ciyaaray iyo sidii uu ugu dambayntii ku noqday kubbad-sameeyaha.
26 jirkan oo la hadlayay UTD Podcast ayaa yidhi: “Difaaca dhexe ayaan ka ciyaari jiray inta ugu badan, markii aan kubadda cagta bilaabay difaaca dhexe ama difaac midig ayaan ka dheeli jiray.
“Anigu waxaan jeclaa inaan difaaca midig ka ciyaaro sababtoo ah waxaan ahaamid dhiirran oo gardarro badan, waxaan jeclaa inaan jallaafooyin ku qabto ciyaartoyda iyo wax kasta oo kale. Markii aan ahaa difaaca dhexe, waxaan ahaa mid xor ah, u diyaarsan inuu garbaha raaco haddii aanay difaacyada dhinacyadu goobtooda joogin.
“Dhab ahaantii waan ku fiicnaa, waxaan haystay tababare igu yidhi, ‘Haddii aad doonayso inaad ciyaartoy sare noqoto, waxaad u baahan tahay inaad ka ciyaarto difaaca dhexe. Haddii aad doonayso inaad ciyaartoy wanaagsan noqoto, waxaad noqon doontaa dhex’.
“Waxaan u malaynayaa inuu qaldanaa, sababtoo ah, waxa laga yaabaa inaan difaaca dhexe kaga sii wanaagsanaan lahaa. Laakiin waqtigaas maan jeclayn inaan halkaa ka ciyaaro, balse qof waliba wuxuu igu leeyahay waxaad ahayd difaac wanaagsan, waxay ii sheegeen inaan ahaa mid caqli badan, inaan dabooli jiray labada dhinac (difaaca bidix iyo midigba). Kaddib waxaan fursad u helay inaan la ciyaaro koox iga waaweyn, waxaanan ku tidhi tababaraha, ‘ma doonayo inaan mar dambe ka ciyaaro difaaca dhexe, haddii aan ka ciyaarayo difaaca dhexena waxaan dib ugu noqonayaa kooxdii aanu isku da’da ahayn oo aan dhexda uga ciyaari.
“Markii aan ku biiray kooxdaa, tababaraha ayaa eegay liiska kooxdiisa, waxaanu arkay in boos bannaan yahay isaga oo leh, ‘Oh, ma haysano weeraryahanno’, anigaa u jawaabay oo idhi: ‘anigaa weerar ah!’, wuxuu iigu jawaabay: ‘waxaan moodayay inaad difaac dhexe tahay’, kaddib waxaan ku idhi ‘maya, halkaa kama ciyaaro, waxaan ahay weerar!’. Hal tijaabo ayuu tababarka igaga qaaday, laba gool ayaan dhaliyey, waxaanu igu yidhi ‘waa hagaag, waad ka ciyaari kartaa weerarka!’.
“Sidaas darteed, hal ciyaar ayaan weerarka ka dheelay, kulankii xigayna, waxaan ahaa No.9 been ah oo laba weeraryahan la shaqaynaya, kaddib waxaan ku noqday No.10 iyo No.8.”