DFS iyo Puntland oo hadalo xanaf leh hawada isku
War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu dhaleeceeyey ka hortag ay ciidmaada ammaanka Puntland ku sameeyeen banaanbax nabadeed oo ay dhigayeen shacabka ku nool magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag.
- Advertisement -
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay falkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay ciidamada Amniga Puntland si ula kac ah xoog iyo xabad ugu adeegsadeen bulshada ku dhaqan magaaladaas oo samaynayay banaanbax nabadeed,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.
Qoraalkaan waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin ‘fal kasta oo waxyeello loogu geysanayo shacab aan hub wadan.’
Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro.”
Dowlad-goboleedka Puntland ayaa ka jawaabtay eedayn uga timid dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in Dowladdu ay soo abaabushay banaanbaxaas.
Af-hayeenka xukuumadda Puntland, Jaamac Deperani, ayaa sheegay in bannaanbaxa ka dhacay magaalada Dhahar ay abaabulkiisa lahaayeen madaxweyne Farmaajo iyo wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo ka tirsan dowladda Federaalka.
Jaamac Dabaraani, ayaa tilmaamay in madaxweyne Farmaajo iyo siihayaha wasiirka Qorshaynta Jamaal Maxamed Xasan ay doonayeen, in ay fowda ka ridaan degmada Dhahar, balse aysan ku guulaysan tallaabadaas, islamarkaana bannaanbaxii Dhahar aysan cidna khasaare ka soo gaarin.
“Hogaamiye Farmaajo iyo Jamaal waxaad u abaabusheen banaabaxa si aad fowdo uga kicisaan Dhahar, Laakiin sida rabteen ma noqon, cidna kuma dhiman cidna kuma dhaawacmin nabad ayuu ku dhammaaday Ciidamaduna amniga ayeey sugeen” ayaa yiri Afhayeenka madaxtooyada Puntland Dabaraani.
Magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag waxaa shalay ka dhacay banaanbax lagu taageerayey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana looga soo horjeeday siayasadda madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.