Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Difaacii Birta Ahaa Ee Liverpool Doonaysay Inuu U Beddelo
Siddeed ciyaartoy oo difaacyahannada ugu wanaagsan waqtigan ah ayaa lala xidhiidhinayay Liverpool si ay ugu beddelaan Virgil van Dijk oo dhaawac ku maqnaanaya inta ka hadhay xili ciyaareedkan, waxaana xiddigahaas ugu horreeya Upamecano oo RB Leipzig u ciyaara, Caglar Soyuncu oo Leicester City ka tirsan iyo Kalidou Koulibaly oo Napoli laf-dhabar u ah.Kulankii xalay dhex maray Leicester City iyo Aston Villa ayaa waxa uu albaabada ka xidhay tababare Jurgen Klopp iyo kooxdiisa kaddib markii uu dhaawac soo gaadhay difaaca reer…
Magacyada SADDEXDA Xiddig Ee Kaliya Ee Barcelona Ka
SADDEX ka mid ah ciyaartoyda Barcelona ayaa ogolaaday codsi uga yimid maamulka kooxda oo dhamaan laacibiinta iyo shaqaalaha naadiga lagu weydiistay inay aqbalaan in mushahar dhimis boqolkiiba soddon ah (30%) ay sameeyaan, inta ka horreysa maalinta Arbacada ee soo socota.Ciyaaryahanadda Barcelona oo ay hoggaaminayaan Lionel Messi iyo Gerard Pique ayaa iska diiday inay mushahar dhimis sameeyaan maadaama ay dareensan yihiin in wixii karaankooda ah ay kooxda tareen markii ay 70% dhimeen mushaharkooda xilligii ciyaaruhu…
Farriinta Qiirada Leh Ee Van Dijk Xalay Soo Diray, Waxa Uu
Virgil van Dijk ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dhaawaca halista ah ee kasoo gaadhay kulankii Merseyside derby ee Everton, kaas oo uu ku maqnaan doono inta ka hadhay xili ciyaareedka.Warbixin rasmi ah oo Liverpool ay xalay kasoo saartay dhaawaca Van Dijk ayay ku sheegtay inuu mari doono qalliin, waxaanay ka baaqsatay inay caddayso muddada uu maqnaan doono, hase yeeshee ciyaartoyda ay gaadhaan dhaawacyada noocan ah ayay soo kabashadoodu qaadataa toddoba bilood illaa siddeed bilood, taas oo ka dhigan in xili ciyaareedkan…
Adama Traore Oo U Deyriyay Liverpool & Barcelona, Paulo
Aroornimo wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan, shabakada laacib waxay saaka idiin soo gudbineysaa wararkii ugu waa weynaa ee saaka lagu qoray wargeysyada ka soo baxa dalka Ingariiska kuwaasoo ugu magaca weyn.Xuquuqda wararkaan waxaa iska leh wargeysyada uu magacooda ku hor qoran yahay.Madaxa Borussia Dortmund ayaa rajo cusub ku abuuray kooxda Manchester United oo muddo dheer dooneysay xiddiga garabka ka ciyaara ee Ingariiska Jadon Sancho oo 20 sanno jir ah ka dib markii uu sheegay in…
PSG vs Man United & Kulamada Xiisaha Leh Ee Champions League
Xilli ciyaareedka cusub ee koobka Champions League ayaa bilaabanaya habeen Talaadada ee 20ka bisha Oktoobar iyadoo Talaadada iyo Arbacada la dheeli doono kulamo xiiso leh.Habeenka Talaadada waxaa ciyaaraya Group-yada E ilaa iyo H halka habeenka Arbacada ay dheeli doonaan Group-yada A ilaa iyo D.Macalinka Juventus Andrea Pirlo ayaa habeenka Talaadada waxa uu ka horimaan doonaa macalinkiisii hore ee safay kulankiisii ugu horeysay isagoo 16 sanno jir ah Mircea Lucescu kaasoo hogaaminaya kooxda Dynamo Kyiv.25 sanno ka dib, wuxuu…
Arsene Wenger Oo Ka Soo Jawaabay Aflagaadadii Iyo
Arsène Wenger ayaa jawaab ka bixiyay weerarkii uu kala kulmay Jose Mourinho kaasoo wax laga weydiiyay sababta uu uga soo muuqan waayay buuga Wenger.Isagoo u hadlayay Canal Football Club, Arsene Wenger ayaa la weydiiyay inuu ka jawaabo ixtiraamdaradii iyo aflagaagadii uu kala kulmay Mourinho.Tababaraha reer Portugal ayaa maalin ka hor sheegay in sababta aan loogu xusin buuga Arsene Wenger inay tahay in Wenger uusan waligiis isaga ka badinin. Tababaraha reer Portugal ayaana mar kale ku tilmaamay macalinka Faransiiska nin ku…
Shan Daafac Oo Ay Liverpool Ku Bedeli Karto Virgil van Dijk
Xilli ciyaareedka Liverpool ayaa halis ku jira ka dib markii daafacoodii adkaa uu dhaawac halis ah soo gaaray isagoo dagaal ugu jira inuu ciyaaro inta uusan dhaaminin xilli ciyaareedkan.Daafaca reer Holland ayaa qaliin looga sameynayaa jilibka oo dhaawac halis ah uu ka soo gaaray kulankii shalay ee Merseydise Derby.Inkastoo aan waqti loo qabanin mudada uu ku soo laabanayo Van Dijk hadana Liverpool waxay waayi doontaa xiddigeeda bilooyin.Waxayna arintaan imaaneysaa xilli xagaagan uu Jurgen Klopp soo iibsan waaye daafac dhexe…
Awoowe Masaari Ah Oo Dhigay Rikoodh Kubada Cagta Ah Oo Ay
Awoowe Masaari ah oo lagu magacaabo Bahader ayaa lagu qoray buuga rikoodhada ee Guinness World Records xalay oo Sabti aheyd ka dib markii uu seegay rigoore iyadoo kooxdiisa oo lagu magacaabo Lixda Oktoobar ay guuldarro 3-2 ka soo gaartay kooxda El Ayat Sports oo ka dhisan heerka seddexaad ee kubada cagta Masar.Bahader ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da weynaa ee xirfadle kubada caggta ah isagoo ay da’diisa noqotay 75 sanno jir 3dii bishaan November.Waagii hore ayuu garoomada ku jiri jiray laakiin wuxuu dib ugu soo laabtay…
Maxay Tahay Digniinta Ka Soo Yeertay Kylian Mbappe Ee Ku
Kylian Mbappe ayaa uga digay Manchester United in kooxdiisa PSG ay ka go’an tahay kaliya guul inkastoo ay ka horimaanayaan xiddigoodii hore Edinson Cavani oo xiran maaliyada Red Devils.Saxiixa cusub Cavani oo 33 sanno jir ah ayaa lagu sawiray tababarka Manchester United markii ugu horeysay maanta ka hor kulanka Champions League ee ay habeenka Talaadada la ciyaarayaan PSG.Mbappe ayaa ka garab ciyaari jiray weeraryahanka cusub ee Red Devils markii ay wada joogeen kooxda Paris Saint-Germain.Laakiin haatan waa ay iska horimaan…
Mourinho Oo Cashar Lama Ilaawaan Ah Loo Dhigay Xilli
Tottenham ayaa si cajiib ah waxay iska qasaarisay hogaan seddex gool oo nadiif ah iyadoo West Ham ay sameysay soo laabasho cajiib ah ciyaarta oo ka harsan sideed daqiiqo iyagoo ku qabtay kooxda Mourinho barbaro 3-3 ah kulankii ka dhacay garoonka Tottenham Stadium.Hueng-Min Son ayaa goolasha u furay Tottenham 45 ilbiriqsi markii ay socotay ciyaarta iyadoo Harry Kane uu labo gool dhaliyay iyadoo Tottenham ay 3-0 hogaanka ku heysay ilaa iyo daqiiqadii 82aad.Gareth Bale ayaa sidoo kale kursiga keydka ka soo kacay isagoo saftay…