Zidane Oo Su’aashii La Sugayay Laga Weydiiyay Hadalkii Uu

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa kahor kulanka ay kooxdiisu toddobaadkan soo dhawaynayso dhigeeda Huesca ka hadlay warkii toddobaadkan warbaahinta haystay ee ahaa in weeraryahan Karim Benzema oo quudhsaday Vinicius Jr.

Sida ay qabteen kaamerooyinka gudaha garoonku, Benzema ayaa wakhtigii nasashada ee kulankii Champions League ee Borussia Monchengladbach u sheegay daafaca bidix ee kooxda ee Ferland Mendy inuusan baas u dhiibin Vinicius.

Karim ayaa daafaca bidix ee ay France kasoo wada jeedaan u sheegay in Vinicius uusan kooxda wax faa’ido ah u lahayn oo uusan kubadda u dhiibin taas bedelkeedana uu isaga u keeno.

Hadda Zidane oo arrintaas wax laga weydiiyay ayaa sheegay in waxa ugu muhiimsani yahay inay labada ciyaaryahan xal gaadheen oo ay wada hadleen halka uu dhinaca kale ku sifeeyay wax wanaagsan maadaama ay muujinayso inay kooxdu nooshahay.

“Waxa ugu muhiimsani waa in la dhammeeyay ciyaartoyduna way wada hadleen” ayuu ugu horreynba yidhi Zidane oo shirka jaraa’id ka hadlayay maanta oo Jimce ah.

“Waxyaabo badan ayaa garoonka dhexdiisa lagu yidhaa halkaas ayaana lagaga yimaadaa, koox ayaanu nahay arrimaha kalena tamar ayaanu ugu baahanahay, laakiin waa wax wanaagsan sababtoo ah waxa ay ka dhigantahay inaanu nool nahay, way wada hadleen waana intaas gabi ahaanba”

Dhinaca kale Zidane ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in arrintaasi aysan waxba u dhimi doonin sharafta iyo sawirka ay jamaahiirta kubadda cagtu ka haysteen Benzema.

“Uma malaynayo inay waxyeelayn doonto sawirka Benzema, markasta way dhacdaa, maanta kaamerooyin badan ayaa jira laakiin markasta way dhici jirtay”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More