YAAB & AMAKAAG: Akhriso 20 Qoddob Oo Kuu Caddaynaya In Chelsea Ay FA

Jamaahiirta kooxda Chelsea ayaa halkooda kasii wada inay riyoodaan kaddib guushii ay shalay ka gaadheen dhigooda Manchester City ee ahayd afar dhammaadka FA Cup iyaga oo sidaas kaga xaadiray Final-ka tartanka isla markaana sugaya midka maanta soo baxa Leicester City iyo Southampton.

Blues oo gaadhay Final-ka FA Cup ayaa sidoo kale fadhiya afar dhammaadka Champions League oo ay kula balansan yihiin dhigooda Real Madrid.

Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo bandhigaynaa qoddobo badan oo sheegaya in 2021 uu Blues u noqon doono ku celiska 2012 oo ahaa sanadkii ay kusoo wada guuleysteen FA Cup iyo Champions League iyo arrimo badan oo wakhtigaas jiray sanadkana isla sidii oo kale u dhacaya.

Markii ugu dambaysay ee ay Chelsea shaqada ka caydhisay tababare da’yar badhtamaha xilli ciyaareedka (2012)Markii ugu dambaysay ee Liverpool Anfield lagaga badiyay kulamo xidhiidh ah (2012)Markii ugu dambaysay ee ay Chelsea Stamford Bridge bar-bardhac 0-0 ah kula gashay Tottenham. (2012)Manchester City ayaa ku guuleysatay horyaalka 2012 haddana hoggaanka u haysa.Tartanka horyaalka ayaa u dhaxeeyay Man City iyo Man United 2012-kii si lamid ah sanadkanEuros ayaa la ciyaaray 2012 si lamid ah sanadkanWeeraryahan 50 Milyan oo pound ah oo waliba timo cad (Fernando Torres) ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ku fashilnaa Chelsea si lamid ah Timo Werner oo hadda tilmaamahaas oo dhan lehManchester United ayaa soo gashay Champions League balse Europe League u dhacday oo booska 3-aad gashay Groupkeedii si lamid ah sida ku dhacday xilli ciyaareedkan.Manchester City ayaa guulaha ugu badan ee xidhiidh ah gaadhay 2012 si lamid ah sida ay xilli ciyaareedkan sameeyeen.Zlatan Ibrahimovic ayaa u ciyaarayay AC Milan 2012 isaga oo xilli ciyaareedkana u ciyaaraya.Man United iyo Liverpool ayaa ku kulmay FA Cup 2012kii si lamid ah 2021Tartamada Olympics ayaa dhacay 2012 sidoo kale sanadkan 2021 qabsoomayaOlympiakos ayaa booska saddexaad kaga dhammaysatay Groupkeeda 2012 si lamid ah sanadkan 2021Sidoo kale Ajax ayaa 2012 iyo 2021 labadaba booska saddexaad kaga dhammaysatay Group-keeda iyadoo labada jeerba farqigeeda goolashu 0 ahaayeen.Markii ugu dambaysay ee uu tababare German ahi ku guuldarraystay Final-ka Champions League (Jurgen Klopp) sanadkii xigay ayuu ku guuleystay, Tuchel sanadkii hore Champions League waa laga qaaday.Copa Del Rey Final-ku waxa uu dhex maray 2012 Barcelona iyo Athletic Bilbao, Barcelona ayaa xalay 4-0 ku qaaday kaaga darane xalayna 4-0 ayay kaga qaaday isla Bilbao.2012 Chelsea waxa ay Semi Finalka ku reebtay koox Spanish ah (Barcelona) haddana 2021 waxa ay la balansan tahay koox Spanish ah (Real Madrid)Markii ugu dambaysay ee ay Liverpool guuldarro kala kulanto Fulham waxa ay ahayd 2012 iyadoo ciyaar ka dhacday Anfield ay 0-1 kusoo dhammaatay si lamid ah sanadkan.Markii ugu dambaysay ee uu Messi shan rigoore tuuray Champions League ee uu afar kamid ah dhaliyay midna qasaariyay waxa ay ahayd 2012 sidaas oo kale ayaa ku dhacday 2021.Markii ugu dambaysay ee Ronaldo iyo Messi laga reebay Champions League kahor Chelsea waxa ay ahayd 2012 si lamid ah sanadkan 2021.Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More