YAA HABAARAY? Inkaarta Dhaawacyada Daafaca Liverpool Oo
Daafaca bidix ee kooxda Liverpool ee Andy Robertson ayuu kasoo yeedhay war naxdin ku ah dhammaan shaqsiyaadka xidhiidhka kala duwan la leh kooxdaas kaddib kulankii uu xalay dalkiisa Scotland kaga caawiyay inay Euro usoo baxaan.
Robertson ayaa kaddib markii ay guul rigoorayaal ah ka gaadheen Serbia sheegay inuu kulanka dhexdiisa ku dhibtoonayay dhaawac muruqa ah.
Scotland ayaa markii ugu horreysay usoo baxday tartan weyn tan iyo 1998-kii kaddib markii uu goolhaye David Marshall rigoore ka beeniyay weeraryahanka Serbia ee Aleksandar Mitrovic.
Goolkii uu Ryan Christie kulanka dhexdiisa u dhaliyay Scotland ayaa ahaa mid ay si waali ah ugu dabaaldegeen oo u muuqday goolka guusha kahor intii uusan Luka Jovic goolka bar-bardhaca keenin wakhtigii dhimashada.
26 sano jirkan ayaa kaddib guusha taariikhiga ah ee uu ku hoggaamiyay Scotland sheegay inuu dhaawac ku ciyaarayay waana arrin heer kale u raraysa dhibta kooxda Jurgen Klopp ee dhaawacyada gaar ahaan daafaca.
Liverpool ayaa horeba dhaawac ugu weysanayd Virgil Van Dijk iyo Joe Gomez oo labaduba qaliimo jilibka ah maray lana filayo inay xilli ciyaareedka inta ka hadhsan amaba intiisa badan maqnaan doonaan.
Intaas waxa dheer inuu toddobaadyo garoomada ka maqnaan doono Trent Alexander Arnold oo kulankii ugu dambeeyay ee Man City ku dhaawacmay halka Fabinho oo booska daafaca dhexe sii buuxin jirayna uu dhaawacan yahay.
Robbo oo xaaladiisa ka hadlayay xalay ayaa yidhi “Waxaan filayaa inaan ahaa midka xigay (Rigoore tuurista) laakiin muruqayga ayaa is-galay qaybtii dambe ee wakhtigii dheeriga ahaa wax yar oo xanuun ah, waxa uu ahaa muruqa lugtayda bidix sidaas darteed waxaan ka wer-wersanaa inuu i xanuuni doono”