Xulka Spain Oo Garaacay Italy Una Gudbay Wareega 16-ka Euro 2024.

Xulka qaranka Spain ayaa guul dirqi ah ka gaaray dhigooda Talyaaniga, iyagoo hal gool kaga adkaaday tartanka Euro 2024.

Xulka qaranka Spain ayaa caawa oo Khamiis ah wajahay dhiggiisa Talyaaniga kulan ka tirsanaa wareega 2-aad ee tartanka euro.

Daafaca Riccardo Calafiori ayaa si khaldan isaa dhaliyay goolka waxana uu ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kadib natiijada xulka Spain ayaa iska xaadiriyay wareega 16-ka Euro 2024 kadib markii ay badiyeen labadii kulan ee ay ciyaareen tartanka.

Dhinaca kale xulka Italy ayaa leh 3 dhibcood waxana ay ku jiraan kaalinta 2-aad waxana ay ciyaari doontaa kulanka ugu dambeeya si ay ugu gudubto wareea xiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More