Xulka England Oo War Xun Helay Ka Hor Bilaabashada Euro 2024.

Xulka kubadda cagta England ayaa jug weyn soo gaartay ka hor inta uusan bilaaban ciyaaraha Euro 2024.

Tartanka Euro 2024 ayaa bilaaban doona maalinta jimcaha ee ku began 4 Bishan June ee lagu jiro.

Xulka England ayaa kulankooda ugu horeeya ciyaari doona Axada dambe kulan ay la ciyaari doonaan Serbia.

Ka hor bilaabashadooda tartanka xulka England ayuu dhaawac ka soo gaadhay daafaca dhexe ee John Stones.

Stones ayaa ku haawacmay kulankii ugu dambeeyay ee uu xulkiisu isugu diyaarinayay kulanka ay la ciyaari doonaan Serbia.

Xiddiga ayaa ciyaaray kulankii Iceland ee jimcihii hore laakiin waxa uu dhaawac uga baxay daqiiqadii 45-aad ee qaybta hore.

Ilaa haatan waxa uu shaki ku jiraa taam ahaanshaha xiddiga Iyo in uu ciyaari karo kulanka Axada ee Serbia.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More