Xulka Croatia Oo Bar-Baro Niyad Jab Leh Kala Kulmay Xulka Albania.

kadib kulan xiiso leh Xulka qaranka Croatia  ayaa bar-baro la galay xulka Albania kulan ka tirsanaa wareega Group-yada tartanka Euro 2024.

Kulanka ayay labada xul soo galeen iyaga oo u baahan guul hadii ay doonayaan in ay rajo ka helaan wareega Xiga.

Xulka Albania ayaa ka yaabsaday xulka Croatia iyaga oo ku qaadayay weeraro rogaal celis ah oo joogto ah.

Xulka Croatia ayaa ku dhibaatoonayay in ay qaadaan weerar maadama xulka Albania si qoto-dheer u difaacanayeen goolkooda.

Xulka Albania ayaa xulka Croatia ka yaabsaday isla markaas daqiiqadii 11-aad gool ka dhaliyay iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Qazim Laci kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Xulka Croatia ayaa bilaabay in ay raadiyaan goolka bar-baraha iyaga oo wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen goolka.

Qaybtii dambe ayuu xulka Croatia daqiiqadii 74-aad dhaliyay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Adrej Kramaric kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Xulka Croatia ayaa isla daqiiqad kadib dhaliyay goolka 2-aad waxana u dhaliyay Klaus Gjasula kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Iyada oo xulka Croatia u muuqday mid gaadhay guul qaali ah ayay ax walba is badaleen.

Daqiiqadii 90+5-aad ayuu xulka Albania dhaliyay goolka bar-baraha waxana si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Croatia ee Klaus Gjasula Kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More