Xul Ka Qayb-gelayay Isreeb-Reebka Koobka Adduunka
Xidhiidhka kubadda cagta Belize ayaa ‘wax laga yaqyaqsoodo iyo arrin murugo leh’ ku tilmaamay afduub lagula kacay xulka qarankooda oo ku socday hotel ku yaalla waddanka Haiti oo ay markaas uun duullimaad ku yimaaddeen, laakiin ay budhcad hubaysan dhexda u gashay oo ay dhamaantood afduubtay.
Arrintan ayaa dhacday Isniintii waxyar kaddib markii uu xulka qaranka Belize uu kasoo degay madaarka, isla markaana ay waddada halbowlaha soo qaadeen iyagoo saaran bas u waday hotelka ay degayaan ka hor inta aanay Haiti la ciyaarin kulan ka tirsan isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022.
Booliska ayaa shaaciyey in wada-hadallo qasab ah ay la yeesheen budhcadda afduubka geysatay si ay usii daayaan ciyaartoyda xulka Belize, ugu dambayntiina lagu guuleystay in lasii daayo.
Kabtan Deon McCauley ayaa ku siffeeyey arrintan ‘waqti cabsi badan’, laakiin ugu dambayntii ay ku faraxsan yihiin in qof walba uu badqab yahay, waxaanu yidhi: “Waxaan ku faraxsanahay in qof walba uu badqab yahay, waxaanan ku talinayaa in geesinimo ay wiilashu muujiyaan.
“Aynu isku duubnaano, innagoo qaadanayna go’aamada ugu wanaagsan marka ay noqoto xulka qaranka.”
Xidhiidhka kubadda cagta dalkaas ayaa isaguna soo bandhigay sawirro muujinaya sidii uu falku u dhacay iyadoo budhcad hubaysan ay dariiqa ku joojiyeen baska sidaana ku afduubteen.
“Xidhiidhka kubadda cagta Belize waxa uu ka niyad-jabsan yahay, kana yaqyaqsoonayaa falka nasiib-darrada ah ee lagula kacay xulka qaranka Haiti oo kasoo degay Madaarka kuna socday hotelka. Waxa aanu ku faraxsanahay in ciyaartoydu ay badqabaan, laakiin qof walba waxa uu la murugaysan yahay waxa dhacay, haddana waxay nabad-qab ku joogaan Hotelka.”
Belize waxay xidhiidh la sameeyeen xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA iyo xidhiidhka woqooyiga, badthamaha Amerika iyo Kareebiyaanka ee (CONCACAF).
Waddanka yar ee Belize ayaa Khamiista berri la ciyaari lahaa xulka qaranka Haiti kulan ka tirsan isreeb-reebka Koobka Adduunka oo ka dhici lahaa magaalada Port-au-Prince laakiin lama hubo in ciyaartaasi ay dhici doonto.
Belize ayaa ah waddan yar oo ku yaalla xeebta beri ee Central America ee khooriga Carribean Sea.